|

C/raxmaan Faroole, C/samad Cali Shire Iyo Garaado Isku Afgartay In Xildhibaano Ka Soo Jeedda SSC Xilka Laga Qaado.

Garoowe(BuhodlePost.com):-Warar naga soo gaadhaya Magaalada Garoowe ayaa waxa ay sheegayaan in madaxweynaha Maamulka Garoowe C/raxmaan Faroole iyo ku xigeenkiisa C/samad Cali Shire Iyo Garaad Saleebaan Garaad Maxmed isku afgarteen in xildhibaano ka soo jeeda deegaanka SSC golaha wakiilada laga saaro.

Arrintan oo si xawliya ku socota ayaa waxa lagu wadaa in isla barri golaha wakiilada la horkeeno mooshin ka dhan ah xildhibaanada oo kala ah Ibraahim Guure iyo Cumar Jaamac Saleebaan ka dib markii eed looga dhigay in ay taageereen dedaalka la wado oo ah sidii deegaanka ssc dib looga sifayn lahaa malayshiyadda SNM , waxa kale oo xildhibaanadan eed looga dhigay in ay taageereen SSC hawlahay wado iyada oo xildhibaanadan ay Faroole Iyo C/samad Cali Shire ku eedeeyeen in ay Gaadiid jaaliyadaha SSC soo iibiyeen sidii deegaanka maqan waxlooga qaban lahaa oo muddo dheer ku daxalaystay magaalada Garoowe in ay u gacan galiyeen Hogaanka SSC si uu ugu hawlgalo.

Madaxtooyadda Garoowe ayaa dhaqaale badan lagu bixinayey labadii maalmood ee ugu danbeeyey sidii mooshinka xildhibaanadan golaha wakiilada loo horgeyn lahaa iyadda oo Garaad Saleebaan Garaad Maxmedna laga saxeexay qoraal xildhibanaadan in xilka laga qaado uu raali ka yahay.

Labadan xildhibaan ayaa si deg deg ah barri loo horkeenayaa golaha wakiilada iyada oo cod loo qaadi doona , waxaana loo badniyaa in xildhibaanada oo labadii maalmood ee ugu danbeeyey madaxtooyada Garoowe aad ugu noqnoqonayey barri ay taageeri dooonaan qorshaha C/raxmaan Faroole uu soo bandhigay.

Mooshinkan labadan xildhibaan ee ka soo jeeda SSC lagu soo oogay ee sida xawliga ah u soconaya ayaa waxa uu ka mid yahay qorshe uu maamulka Garoowe ku doonayo in uu kaga saaro maamulka cidii uu u arko in ay ka soo horjeedaan mawqifkooda ku aadan xaaladda gobolada SSC iyada oo hore golaha wasiirada xubno badan looga saaray.

Arrintan oo ah markii ugu horaysay oo xildhibaano ka tirsan golaha wakiilada qaab siyaasadaysan loogu soo oogo mooshin ayaan la saadaalin Karin halka ay sal dhigan doonto.

468x60 ad code [Article page - Between comment and article]

Fikrad Ka Dhiibo