|

Qasaarihii dagaalkii Muqdisho oo kordhay iyo Xisbul Islaam oo guul ka sheegtay.

Muqdisho (Sh. M. Network) Waxaa sii kordhaya Qasaarihii ka dhashay dagaalkii Saakay ka dhacay inta u dhaxeysa Isgoysyada Bakaaraha iyo Dabka iyo sidoo kale isgoyska Howlwadaag ee gobolka Banaadir halkaasi oo dagaal mudo kooban socday uu ku dhexmaray ciidamada Ururka Xisbul Islaam iyo kuwa dowladda KMG Soomaaliya oo ah wehliyeen kuwa Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca.

Dagaalka oo geystay qasaare isugu jira dhimasho iy dhawaac soo gaaray dad rayid ah ayaa inta la ogyahay waxaa ku geeriyooday labo qof halka 4 kalana ay ku dhaawacmeen kuwaasi oo rasaastii la is weydaarsanayay ay ku haleeshay xaafado ka mid ah degmooyinka Hodon iyo Howlwadaag.

Mid ka mid ah dadka deegaanka oo Shabelle la hadlay ayaa sheegay in inta uu dagaalkaasi uu socday uu saameyn xoogan ku yeeshay ganacsiga Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho iyo isku socodkii gaadiidkii isticmaalayay wadada isku xirta Isgoysyada Dabka iyo Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho.

Taliyaha Ciidamada Ururka Xisbul Islaam ee Aaga Bakaaraha Ismaaciil Max’ed Kheyre oo Shabelle la hadlay ayaa sheegay in dagaalku uu yimid kadib markii ay weerar ku qaaden fariisimo ciidamada dowladda iyo kuwa Ahlu Sunna Waljamaaca ay ku leeyihiin qeybo ka mid ah degmada Howlwadaag isagoonta intaasi ku daray in ay qasaare gaarsiyeen ciidamadii ka soo horjeeday islamarkaana ay kala wareegeen fariisimihii ay ku sugnaayeen sida uu tilmaamay.

Si kastaba ha ahaatee goobihii saakay lagu dagaalamay ayaa haatan degan iyadoo mararka qaar laga maqlayo dhawaqa rasaas teel teel ah oo ay isweydaarsanayaan dhinacyada halkaasi isku horfadhiya.

468x60 ad code [Article page - Between comment and article]

Fikrad Ka Dhiibo