|

madaxweynaha Puntland MR.Farole oo sheegay in Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid uu yahay xidhiidhiyaha Puntland iyo DKMG

Faroole iyo Jimcaale

Madaxwaynaha maamul goboleedka Puntland, Cabdiraxmaan  ’Faroole’, ayaa ugu baaqay dowladda ku meelgaadhka ah madaxdeeda sare in ay xaliyaan khilaafka ka dhexeeya .

Madaxwaynaha Puntland, oo u waramay Idaacada BBC, laanta afka Soomaaliga , ayaa sheegay in ay lagama-maarmaan tahay madaxda sare ee dowladdu ay sii wadashaqeeyaan inta ka hadhay xilligooga oo aanuu wax badan ka dhimanaynba.

Wuxuu sheegay in dowladda oo la ridaan xilligan aysan xal ugu jirin guud ahaan madaxwaynaha iyo dowladiisaba. Wuxuuna sheegay in madaxwayne Sheekh Shariif ay wada hadleen, balse uu madaxwaynuhu u muuqdo in uusan diyaar u ahayn in khilaafka wadahadal lagu xaliyo.

Madaxwayne Cabdiraxaan Maxamed, wuxuu soo dhoweeyay tallaabada uu guddoomiyaha baarlamaanku dib uu dhigay shalay fadhiga baarlamaanka ee lagu waday in kalsoonida loogu qaado dowladda ra’iisul wasaare, Cumar Cabdirashiid,madaxweynaha Puntland wuxuu kale oo uu sheegay xili uu ka hadlayey Idaacada gudaha ee Daljir isagoo ku sugan Adiss Ababa in aan Ra’isalwasaaraha looga baahnayn in uu nabad iyo kala dambaynta ka shaqeeyo ee looga baahanyahay inuu isku xidho dawlada federalka ah iyo maamul gobaleedka Puntland hadalkaas oo aan wali la fahmin ujeedada uu kalahaa madaxweyne faroole ayaa lagu micnaynayaa inuu uga jeedo hadii cumar c/rashiid xilka laga qaado in xidhiidhka puntland iyo TFG uu go’idoono.

Hadalkan madaxweyne faroole ayaa noqonaya hadalkii labaad ee uu ku taageero cumar cabdirashiid waxaase lays waydiinayaa maxay puntland ugu filantahay xukumada sheikh shiriif Sanadkii hore ayey hayd markii madaxweyne faroole uu warbaahinta ka sheegay  in hadii mudug ,nugaal iyo bari aan Ra’iisalwasaaraha la siin ay noqondoonto carta labaad xukumada shiriifku,

dhegayso  Madaxweynaha faroole  oo ka hadlaya khilaafka TFG da u dhexeeya

Fikrad Ka Dhiibo