|

Dacwo lagu soo oogay Arsene-Wenger

Macalinka Arsenal Arsene Wenger ayaa waxey eedeyn kaga timid xiriirka k/cagta ee FA kuwaasoo ku

 eedeeyay inuu aflagaado geystay kulankii Sunderland.

Markii weerararyahanka Sunderland Darren Bent uu dhamaadkii ciyaarta dhaliyay goolkii ay 1-1 kula

 galeen Arsenal ayuu Wenger wuxuu afka u kala furay garsoorihii 4aad.

60-sano jirkaan oo French  u dhashay ayaa wuxuu lumiyay dareenkiisii isagoo xanaaqiisii kala dul

 dhacay garsoorihii 4aad ee ciyaarta oo ahaa Phil Dowd kaasoo ciyaarta waqti badan ku daray.

War la soo dhigay website FA (www.thefa.com) waxey ku sheegtay Wenger inuu geystay aflagaado iyo

 dhaqan xumo

Sida uu dhigayo sharciga FA wuxuu heystaa illaa iyo khamiista si uu ugu jawaabo eedahaasi loo heysto.

Hadii lagu helo Wenger danbigaasi wuxuu kasban doonaa hal kulan oo ganaax ah iyo 8,000 pounds

 ($12,500) oo ganaax ah.

Hadii uu dafiro eedahaasi waxaa loo gudbin doonaa gudi gaar ah. Kuwaasoo ka doodi doona sababtii

 uu garsoorahaasi 4ta daqiiqo ciyaarta ugu daray xilli ay dhamaatay.

ISSE AHMED MOHAMED BUHODLEPOST

Fikrad Ka Dhiibo