|

BOSAASO ASKAR KATIRSAN CIIDAMADA AMAANKA MAAMUL GOBOLEEDKA PUNTLAND OO QARAX LALA BEGSADAY

Labo askari ayaa ku geeriyootay tiro kale oo dad ahna waa ay ku dhaawacmeen qarax saaka aroortii hore ka dhacay

 agagaarka masjidka Rashiid ee magaalada Bosaaso.

Qaraxan ayaa la sheegay in uu ahaa mid lagu aasay hareeraha wado ay si joogto ah u isticmaali jireen ciidamada

 amniga ee degmada,waxaana uu ku qarxay askarta,xilli ay wadada marayeen.

“Waxaan maqalnay hal mar  dhawaqa qarax aad u xoog badan oo saameeyay xaafada,mana garanayno waxa laga

 damacsanaa” ayey tiri Safiyo Maxamuud oo ka mid ah dadka degan xaafada uu qaraxu  ka dhacay.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska ayaa markii danbe gaaray goobta uu qaraxa ka dhacay,waxaana halkaa ay ka

 samayeen baaritaano kala duwan oo la sheegay in dhowr qof lagu qab qabtay.

Taliyaha saldhiga Bosaso oo aan la xiriirnay ayaa ka gaabsaday in uu faah faahin ka bixiyo qaraxan sababta uu ku

 dhacay,waxaana dadkii ku dhaawacmay la soo gaarsiiyay cisbitalka Bosaso si loo daweeyo.

“Ciidamadu waxey nagu amreen in aan guryaha  laga soo bixin inta howshan ay ka dhamaanayso ” ayey hadalkeeda sii

 raacisay Safiyo oo si gaar ah ula hadashay BUHODLEPOST.

Qaraxan ayaa qayb ka noqonaya falal amni daro ah oo ku soo badanayay xarunta ganacsiga puntland iyo guud

     ahaanba gobolda puntland baryihii la soo dhaafay,inkastoo ay jiraan howlgalo laamaha amniga ay ka wadaan

 gudaha degmada.

www.buhodlepost.com

email buhodlenews@hotmail.com

Fikrad Ka Dhiibo