Captain Zanetti oo xanuunsanaya
Javier Zanetti Wali wuxuu dareemayaa xanuun xaga xabadka ah oo saameyn ku yeeshay ciyaarihiisa, 37-sano jirkaasi captain-ka u ah Inter Milan ayaa waxaa laga saaray kooxda arbacada la ciyaareysa Bari.
Waxaa laga yaabaa oo kale inuusan ciyaarin kulanka sabtida ee ay la ciyaarayaan AS Roma.
Zanetti waxaa loo qaaday isbitaalka markii ay dhamaatay ciyaartii ay 2-1 kaga adkaadeen Palermo. Markii uu xanuunkaasi ku soo booday inkastoo uu ciyaaray 90 kii daqiiqo ee ciyaarta.
Ilaa iyo hada kalama cada inuu ciyaari doono lugta 2aad ee Champions League oo ay la ciyaari doonaan Werder Bremen todobaadka soo socda.
Zanetti dhawaan ayuu heshiiska uu kooxda kula joogo wuxuu ka dhigay ilaa 2012-13.
EMAIL BUHODLENEWS.COM