WAR SAW SAGAARO IMA BARATO! INDHA SARCAADKA SSC -DA “GUUD! maqaal xiiso badan akhriso.
Waxa in badan shabakadaha wararka ee Hawd iyo Nugaal (Dhulbahante) lagu xardhayey qolo
sheegata magaca SSC (Hoggaan) haddaba waxaan rabaa bal inaan dadka u iftimiyo waxay ka
aasaasmeen iyo waxa hadafkoodu yahay iyo waxay soo kordhiyeen.
1) Waxay ka aasaasmeen kaddib markii ninka sheegta Magaca Hoggaanka SSC. Xaglatoosiye uu ku
hungoobay inuu kusoo baxo madaxnimada Puntlnad (Madaxweyne ku xigeen), ay mawqif wada
qaateen Garaadka Jaamac Garaad Cali oo isna ka cadhooday nin uu rabay inuu ku darsado
Baarlamaanka Puntland. Arrinkani wuxuu dhalay inay ku ballamaan si ay ufashiliyaan Maamulka
Puntland una samaystaan Maamul cusub oo ay labadoodu ka taliyaan. Waxay dhashay inay
Nairobi ku macmalaan shir aan loo dhammayn laguna soo dhisay nooca maamulkay rabeen
labadoodiiba isla meeshaa darajooyin loogu tolay loogu magac daray “GUUD” (Hogaanka Guud
Xaglatoosiye, Garaadka Guud Garaad Jaamac) weliba Xaglatoosiye loogu ladhay darajada Dr
. darajooyinkaas waxaa bixiyey wiilal dhallinyaro ah oo qora shabakadaha wararka ee Hawd iyo Nugaal (Dhulbahante).
2) Hadafkooda koowaad wuxuu ahaa inay burburiyaan ama carqaladeeyaan kamid ahaanshaha
Dhulbahante ee Puntland. Hase yeeshee markay ku adkaatay inay siday rebeen ugu guulaysan
waayeen hadafkaas si dhib yar waqti badanina kaga baxay iyo kharashba ayay ku fekereen siday
bal horta u helilahaayeen kharashkii ka baxay iyagoo ku gabbanaya waxbaannu xoraynaynaa
waxayna sababtay in Dhul gacanta reerka ku jiray faraha ka baxo.Reerkiina kala aammin ka baxo
.
3) Waxay kooxdani soo kordhiyeen inay Indhosarcaadiyaan dadka daraawiisheed iyagoo usoo
maraya halkay unuglaayeen oo ah Dhulkiibaannu Xorayanaynaa ee lacag baa loo baahanyahay.
Nasiib darro waxay ereyadaasi dhegahooda galeen dadka inta unugul caaddifadda oo daacadda ah
una arkayey in run loo sheegayo waa Haweenka iyo Dhallinyarada.
Waxa layaab leh in asbuucii koowaadba Dhul hor leh Somalidiidku qabsaday, dad la laayey,
inbadani baro kaceen, qaarna Amxaaro lagu cariyey in kastooy shacabka Buuhoodle iska dhiciyeen
amxaaradii.
Waxaan xusuustaa markay Keyse Cabdi Yuusuf is qabteen hadalladii indho-sarcaadka oo kale ahaa
ee dadka loo dhigayey ku jira Teleconfertence-ka.
Waxa lasoo fadhiisiyey Buuhoodle nin la yidhi sheego inaad ka tirsanay Guutadii Ismacil Mire ee
Keyse dadkana usheeg inaad iskaga soo baxdeen oo aad hadda tihiin ciidanka Hoggaanka “Guud”
dadkana usheeg in Keyse 12 qof keliyihi ku hadheen iyana wiilashiisa mooyee ay berrito kasoo
ambabaxayaan.
Waxa kaloo xusid mudan in Buuhoodle lasoo fadhiiyey wiil kaloo la yidhi adna waxaad sheegataa
inaad ka tirsantahay Ciidaanka Guud ee Hoggaanka Guud ee fadhiya Dhallaamo Cune
mushaharadii iyo weliba dharna laydin siiyey, weliba maalintaa Keyse waxa lagu edeeyey inuu
ahaa tuug kusoo dhexdhuuntay oo ushaqaynayey “Puntland”.
Waxa caddatay asbuucyo kaddib inaynu warbaahinta ka maqallay nimankii fadhiyey Dhallaamo
cune taliyeyaashoodii oo leh musahaharo iska daayee wax aannu cunno ayaannu weynay.
Keysena markii lala heshiiyey mar labaad wuxuu noqday nin tobankii nin ee shalay laynoo
sheegayey noqdaan GUUTO.
Waxaa kaloo xusid mudan in maalinta sheeko fashilantoba mid kale dadka loo weeciyo si lacag
cusub oo kale looga helo, waxaa ka mid ah markay dadkii ka dhego adaygeen lacag bixin danbe oo
la fahmay indhosarcaadkii Xoraynta in la yidhaahdo, maamul baannu Cayn udhisnaye dhaqaalle
hala keeno, Buuhoodlaannu Xaaqaynaaye Lacag hala keeno, shirarbaa nalaga macsuumaye lacag
hala keeno, khususidii baannu heshiinnay lacag hala keeno, Keyse iyo ina galaal baa heshiiyey
lacag hala keeno, ugu danbayntiina laysku soo sawiro “Garoonka Buuhoodle” lacag hala keeno
,
“War saw sagaaro ima barato”.
Arrinka la yaabka lihi waxa weeye arrinka ay hadda soo wadaan Axadda ugu soo horraysa ee ah
Hoggaamiyaha “Guud” ee aagga Nugaaleed Maxammud Foorteyn-ka “GUUD” oo wata Tikniko
badan iyo ciidan 400 kor udhaafaya in lasoo fadhiisiyo shirka Telefoonka “Axadaysiga” si loogu
raadsado jeebabaka dadka waayo waxa hadda qalinshubatada “Guud” isu sheegeen in jebabaka reer
Nugaaleedku dihinyihiin.
Waxaan ku soo geba gebayn lahaa qoladan sheegata magaca Hoggaanka lagu ladhay darajada
“Guud” inaanay dhibkay ugaysteen reer Buuhoodle oo ay iska horkeeneen kuna lumiyeen wada
tashigii iyo kalsoonidii reer Buuhoodle kusoo caano maaleen muddadii dawlad la,aanta, dhibkay
ugeysteen reer Widhwidh iyo Ballihadahac, dhibkay ugaysteen dumarkay dahabkoodii ka furteen
iyo khalkhalkay ka abuureen carro Daraawiisheed inaanay maanta usoo rarin Nugaal.
Dadka reer Nugaaleedna waxaan leeyahay halaga feejignaado furfurka iyo tashwiishka lagu soo
dhextuurayo. Hana uguntadeen siday usamayn lahaayeen abaabulkay ay imminka wadaan ee ah
inay mideeyaan cududdooda iyo calafkoodaba meelna isu geeyaan ciidan iyo calafba
.
Waxaan odhan lahaa Maxamud Foortayn yaan adiga iyo reerkiinna laysku kiin gubin, aakhirkana
aanay dhibku hoos ugaadhin reer Maxammed dheere ee ilaali Sharafta iyo tolnimada ciidankaana
awalba labaatan sanaad reer ahaan uhayseene ka digtoonoow in lakala furfuro oo dib laysugu
keeni kari waayo wiilal imminka noolina oo udiyaar ahaa inay Laascaanood xoreeyaan aanay
idinka reer ahaan iyo raas ahaanba iska kiin dhintaan fidnadda lasoo maleegay. Sidii aad awalba
ugu taagnayd difaaca dhulka waajibkaasi weli waa ku saaran yahay aagga ugu horreeyana
waadba ugu jirtaye sug abbaabulna ugal inaad hesho cudud kaloo dhulbahanta ah oo difaaca u
diyaar ah oo adiga kula midoowda intaad adigu isu dhiibi lahayd Indhosarcaadka kooxda “Guud”
ogoowna waad rahmantahaye haddadan iska garan Axaddaa madaxaaga qaadhaan lagu