ALLA DAYA DAWACADA KABAALAYSAN KALAXYANA WAA SUDHAN YIHIIN!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!
ALLA DAYA DAWACADA KABAALAYSAN KALAXYANA WAA SUDHAN YIHIIN!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!
In badan baa shacabka SSC been aan geed loogu soo gaban si badheedh ah loogu sheegay si loogu beer laxawsado
xaqiiqadana looga leexiyo, beentaas in badan oo xogmooge ah baa run u qaadatay, in badan oo wax ma garato ahna
waa la qool jeexday beenta joogtada ah ee ay caadaysteen inay shacabka SSC u sheegaan hogaanka iyo inta u adeegtaa.
Waxaa yaableh Dawaco kabaalo maqaadi karto kalxyona lama sudhikaro( bal akhristow ka waran hadii aniga oo nool
jabhadii aan sameeyey ee hormuudka ka noqotay halganka SSC xiliyadii dagaaladu ka socdeen widhwidh sawiradeedii
cinwaan looga dhigay maxamud Foorteyn oo 410 askari Puntland kala soo goostay oo SSC ku biiray) iyadoo looga
faa’iidaysanayo xiisado been abuur ah oo markale shacabka SSC lagu baadhanayo si loo bakhti afuufo
1- Hogaankii oo sheekadiisii buuhoodle ka soconwayday
2-In la yiraahdo Nugaal baa ciidan hogaanka u joogaa oo reer nugaaleedkii dagaalaka diidanaa baa ooda soo jabsaday
3-In lacag ururintii qurbaha oo joogsatay loo helo farsamo kale oo dadka lagu baadho.
Waxaa shabakadaha wararka ee SSC todobaadkan lagu soo qoray ILMO foorteyn oo 410 Askari Puntland kala soo
goostay SSC na ku soo biiray waxaa markiiba isa soo tariwaayey wararkaas, qaar ka mid ah ragaasina way beeniyeen
warkii ay sheegeen waxayna ku celiyeen in aanay puntland ka bixin.
Waxaa maanta WidhWidhonline ku soo baxay sawiradii aniga iyo hajabhadii aan Nugaal ka aasaasay xiligii hogaanku
baahinayey nugaal baa dagaalka dhulka lagu xoreynayo diidan oo manta loogu magacdaray Maxamud Foorteyn oo
410 Askari Puntland kala soo goostay.
Hadii maxamud Foorteyn 410 Askari lasoo goostay meeye sawiradoodii maxaa sawiradayda WidhWidhonline ugu
been abuuratay, waxay tani tusaale marag madoonto ah u tahay beenta jootada noqotay ee shacabka SSC lagu
manjara habaabinayo.
Waxaa yaableh ina falaalug baa sheegtay taliyaha aaga Nugaaleed warsaxaafadeedkii been abuurka ahaana ka soo
baxay isaga oo hadlaya iyo baabuurkiisii tiknikada ahaaa , inafalaalug waxa uu haystaa hal baabuur, Tuka raqna
waxaa la jooga reero 20 baabuur oo Tikniko ah haysta diyaar na u ah in ay ka qaybgalaan halganka SSC hase ahaatee
aan aaminsanayn dawlada aan jirin ee hogaanku samaystay, marna maan maqalm iyada oo la sheegayo 20kaa gaadhi
ee tiknikada ah iyo boqolaalka Askari iyo beesha haysata, halka gaadhi ee ina falaalug muxuu Nugaal ku soo
kordhinkaraa? Malaha beentaasi waa nafaqada hogaanku ku nool yahay imisayse socondoontaa?, waxaanse idiin
sheegayaa 4ta gaadhi ee ilma foorteyn in aanay Puntland ka tegayn kana maarmin.
In been abuur intaa le’eg shabakad wararka ah lagu soo qoro waxay ku tusaysaa oo kale aqoon daro sheegida wararka
iyo amaanada warkaba, warku iska sheeg maaha wadiiqooyin la mariyo buu leeyahay inta aan la baahin si loo
xaqiijiyo jiritaankiisa iyo in uu mudan yahay in la sheego iyo inkale, waxaananse garanayn in shabakada
WidhWidhonline ay leedahay tifaftire iyo in ay tahay goob fadhi ku dirir?
Waxaan si xushmadi ku jirto uga codsanayaa cida maamusha shabakada WidhWidhonline in ay faahfaahin iga siiso
sababta ay been abuurka ugu isticmaashay sawirkayga, ayna ka waantoobaaan waxyaabahaas inaanay cid kale kula
kicin.
Waxaan kale oo u sheegayaa hogaanka iyo cida u ololaysa in ay joojiyaan sheekooyinka been abuurka ah ee aan
wayeelo mooyee wax tar u lahayn shacabka SSC, inta been abuurku socdo ee nin waliba libin nin kale iska sheeganayo
ama wax aanu awoodi Karin ama garashadeed lahayn uu sheeganayo lama gaadhi karo midnimo, hadaan midnimo
lagaadhina xornimo lama gaadhi karo.
Halkan waxaan idiin ku soo gudbinayaa sawiradii jabhadaas aan aasaasay xiligii aan Nugaal joogay.
Waa kani waa maqaalkii WidhWidhonline ee been abuurka ahaa.
EMAIL BUHODLENEWS@HOTMAIL.COM
RUNTA KAMA XISHOONO