|

Ciidan Uu Hogaaminayey Maxmuud Foorteyn Oo Ku Biiray Ciidamada SSC

Ciidan Uu Hogaaminayey Maxmuud Foorteyn Oo Ku Biiray Ciidamada SSC

 

(Tukaraq-Sool) 18.09-10 Ciidan uu hogaaminayey Maxmuud Foorteyn Oo Ku Biiray Ciidamada SSC ee horay ugu

 suganaa Tukaraq. Ciidankan ayaa ka soo goostay maamulka Ex-Puntland. Waxaa xaflad loo qabtay ciidankan ka hadlay

 Afhayeenka Aagga Bari Cabdi Daahir.Ciidankan ayaa isku faafiyaan deegamada SSC…………

Qaar ka mid ah ciidanka Puntland ee fadhigoodu yahay Garoowe ayaa u goostay dhinaca SSC, ka dib markii uu

 maamulka Faroole ku fashilmay soo celintii deegamada maqan.

Tirada ciidankan ayaa lagu qiyaasay boqolaal askari waxaana wateen 6 baabuurta yaryar ee Teknikada, waxayna u

goosteen dhinaca SSC, halkaas oo sida wararka aannu degaannadaas ka helnay xaqiijiyeen ciidankan iyo

 gaadiidkoodiiba ay soo galeen Tukaraq.

Taliyaha guud ee ciidamada SSC ee Aaga Bari Col Faysal Maxamed Xasan Falaalug ayaa sheegay in aad ugu

faraxsanyahay ciidamadan ku soo biiray ciidamadii horay u joogay Tukaraq ee SSC.

Warar kale ayaa sheegaya in Aadan Cali Ducaale adanka Hawada oo ka mid ah xubin Jaaliyada SSC uu suurta galiyay

 in Ciidankani ku biiro ciidamada SSC. Waxaana xaflad aad loo soo agaasimay loogu sameeyay ciidamadan magaalada

 Tukaraq, waxaana halkaa ka hadlay Caaqilo, siyaasin, Taliyayaasha SSC ee Aaaga Bari…..

Widh Widh Online Tukaraq Soomaliya

Kani waa maqaalkii been abuurka ahaa ee widh widh online soo bandhigtay 22/09/10.

Sawirka dhanaca bidixda xigaa waa aniga oo ah Eng Maxamud Caydiid Dirir, Sarkaalka tuutaha saxaraha dhidhanina

 waa Abaanduulihii ciidankaas Afgaab Cali Xirsi, Taliyaha Ciidanku wuxuu ahaa Cor. Saciid Isbariije, Taliye ku xigeen waxaa ka ahaa Cor. Yusuf Shirtag.

Barxadan oo ah buur dusheed oo ku taal duleedka tuka raqeed waa meesha layiraahdo Ri’dooxan halkaas ayaa  waagu

 noogu beryey habeenkii SNM duulaanka ku soo ahayd widh widh, qorshahayagu wuxuu ahaa laba qodob

1-    In aanu ka hortagno hadii SNM duulaan nagu soo yihiin habeenkaas

2-    In aanu dhabarjebin kaga samayno ganbadhe ilaa maraaga hadii ay noo suurtagashana aanu holino inaanu weerar kedis ah ku qaadno Lascanod

Habeenkii markii aanu sahansanay oo ay noo cadaatay in aan weerar nagu soomaqnayn waxaanu ku barinay Ri’dooxan

 subaxiina waanu isqaybinay waxaanuna fulinay qodobka labaad qaybtiisa koowaad oo waxaanu qabsanay Ganbadhe,

 weerarkaa hore waxaa fuliyey abaanduulaha, ku xigeenkiisa iyo laba gaadhi oo tikniko ah.

Qodobka labaad qaybtiisa labaad iyo saddexaad nooma suurtogelin waayo waxaa nacarqaladeeyey hogaanka ragii u

 shaqaynayey oo is hortaagay ciidamadii beesha Naalaya ahmed oo balantu ahayd in ay nagu soo biiraan markaanu

 ganbadhe sugno, weerarkana aanu wadajir halkaa uga siiwadno, ciidamadaa waxaa is hortaagay Baashe Cali Jaamac,

 halkaas waxaa isku afdhaafay Cor Saciid Isbariije iyo Baashe Cali Jaamac(ereyadii la iswaydaarsaday waxaa ka mid

 ahaa saraakiishii kacaanka looma baahna nin aan NSM iyo BALI GUBADLE ku abtirsanina sanadka talo SSC gelimaayo,

 kacaan iyo mucaarad baynu kala ahayn) iyo wasiirka Axmed Garaash, wasiirku waxa uu doonayey in ciidamada

 Naalaya Ahmed ay nagu soo biiraan dagaalkana ka qayb galaan, arinkaas waxaa si badheedh ah uga hor yimi baashe

 cali jaamac oo hogaanka u shaqaynayey, wuxuuna meeshii ka yidhi dagaalba ma jiro waxani waa been widh widh na

 cidi weerarimayso isaaqna ina soo weerarimaayo, ragii halkaa fadhiyey ee baashe oo hogaanka u shaqaynayey

 ereyadaas ka horyidhi waxaa ka mid ahaa:

1-wasiirka: Ahmed Garaash

2-Dr Shahaado

3-Xildhibaan Abtiile

4-Cor. Saciid Isbariije

5-Cali ciise

6-Cor. Yusuf Shirtag

Wasiirka ahmed garaash markii qorshihii aanu wadanay baashe ka hor yimi wuxuu kale oo soo jeediyey in Saad iyo

 Sahay ciidankaa laga dabageeyo, baashe cali jaamac baa gaashaanka ku dhuftay arinkaas oo yidhi wax taakulayn ah

 looma dirrikaro ciidankaas lascanod duulaanka ku ah. Tani waxay ku tusaysaa in ay jirtay go’aan hogaanka iyo

 isimada iyo raga kale ee u shaqaynayey ee talada gaarka isu siiyey in ay heshiis ku gaadheen Nugaal yaan xabad laga

 ridin dacaayadna halagu furo cidii isku dayda in Nugaal ciidan xoriyad doon ah laga Aasaaso, habeenkii aanu

 duulaanka ahyn baashe cali jamac iyo ina falaalug waxay nagaga soo noqdeen markii aanu tuka raq gaadhney go’aana

 aanu ku gaadhnay in aanu caawa u hoyano duurka wixii nala soo dersana aanu u toga hayno.

Su’aashu waxaa weeye yaa SSC daacad u ah ma raga doonaya in la xoreeyo mise kuwa curyaaminaya taladiina iyagu isa siiyey iyadoon loo idman?  

Diyaar garow intee le’eg baa nugaal kajiray xiligaa?

Yaa hogaanka daacad u ahaa yaase dibindaabyeynayey?

Yaa midnimadii kala dhantaalay?

Hogaanka raga maanta horboodayaa soo maaha kooxdii bali gubadle ee calanka SNM keentay caro SSC?

Naftood hurayaashii difaacayey caro SSC markay boqol boqolka u dhimanayeen dagaalkii NSM ee 1990kii raga maanta

 raba in ay markale idin manjaro habaabiyaan soo iyagii maaha( shacabka SSC ma umulbaa iloowshiinyo dhowaa), war

 yaa dalka dhiibay oo cadowga keenay? Hadana cag wareejinaya?

Waxaan hadal kayga ku soo gunaanadayaa Xadhko Geel mawada xidhaan Shacabka SSC ha kala barto cadowgiisa iyo nacabkiisa.

Shacabka SSC waxaa dhibaato ugu filan fadqalalada uu hogaanku ka gaystay Buuhoodle oo 21 sanadood cadowga siwada

 jir ah isaga difaacaysay in maanta ay ukala baxday in salaadii IIDA lawada tukan waayey.

Qoraalka soo socda waxaan idin tusidoonaa sawiradii IIDA iyo Buuhoodle inshaa ALLAH

Waxaan kale oo qoraalada soo socda ku soo bandhigi doonaa

yaa buddhige u ahaa halganka SSC sanadkan?

Yaa kufsaday kacdoonkii shacabka SSC?

 

Guul iyo Gobanimo

Eng Maxamud Caydiid Dirir

 WWW.BUHODLEPOST.COM

EMAILBUHODLENEWS@HOTMAIL.COM

 

RUNTA KAMA XISHOONO

 

 

 

 

Fikrad Ka Dhiibo