|

Liverpool, Chelsea, Man City Oo La Reebay

Liverpool ayaa murugadii heysatay waxaa ugu darsantahay dhib kale oo ah in xalay laga reebay koobka 3aad ee laga ciyaaro dalka England ee League Cup oo ay wareegiisa 3aad la ciyaartay kooxda heerka 4aad ee Northampton, iyada kaliyaha ma ahan wax la reebay ee waxey kaloo ceebi ku dhacay xalay Chelsea iyo Manchester City.

Michael Owen ayaa 2 gool oo uu u dhaliyay kooxda koobka difaacaneysa ee Manchester United waxey kooxda heerka 2aad ee Scunthorpe kaga adkaatay 5-2.

Liverpool waxey 4-2 qasaaro ah oo rigoorayaal ah kala kulantay Northampton, markii ciyaartii caadiga aheyd ay ku soo idlaatay 2-2.

Liverpool, oo 7 mar heysata koobka League Cup waxaa iska leh ganacsato dalka America u dhalatay oo la kala yiraah Tom Hicks iyo George Gillett Jr. waxeyna horyaalka kaga jirtaa booska 16aad. Halka kooxda ka badisay ee Northampton ay horyaalka heerka 2aad kaga jirto booska 17aad.

Newcastle ayaa 4-3 ku niyad jabisay Chelsea markii daqiiqadii ugu danbeysay uu goolkii guusha ka dhaliyay Shola Ameobi, wuxuuna ahaa goolkiisii 2aad ee ciyaarta, sidaasi si la mid ah West Bromwich Albion ayaa 2-1 waxey kaga badisay Manchester City iyadoo xalay uu ciyaaray ciyaartaasi ciyaaryahanka soomaaliyeed ee Abdisalam Caddaay oo ciyaaray 70-kii daqiiqo ee ciyaarta ugu horeysay.

Aston Villa ataa 3-1 kaga badisay Blackburn wuxuuna ahaa kulankaasi kii ugu horeeyay ee macalinka cusub ee kooxdaasi Gerard Houlllier, halka Wigan ay Preston 2-1 kaga adkaatay,

WWW.BUHODLEPOSTCOM  SPORT

Fikrad Ka Dhiibo