Qaramada Midoobay oo Ka Hadli doonta Xaalada Xuquuqda Aadanaha ee Soomaaliy
Qaramada Midoobay oo Ka Hadli doonta
Xaalada Xuquuqda Aadanaha ee Soomaaliya
jimce, September 23, 2010 (BUH) – Todobaadka
soo socda ayaa la qorsheynaya in Golaha
Xuquuqda Aadanaha ee Qaramada Midoobay
looga hadlo xaalada xuquuqda Aadanaha ee
dalka Soomaaliya taasoo lagu tilmaamay mid
kasii daraysa marba marka ka dambeysa.
Khabiirka Madaxa Banaan ee Qaramada
Midoobey u qaabilsan arrinta xuquuqda
Aadanaha Soomaaliya ayaa lagu wadaa in uu
soo bandhigo warbixin ku aadan xaalada
Soomaaliya ee Xuquuqda Aadanaha ayadoo
dhawaan ay booqatay dalka Soomaaliya
haweeneyda ku xigta madaxa Xafiiska
Xuquuqda Aadanbaha ee QM madame Kyung-
wha Kang.
Danjire Yusuf BarBari
Danjire Yusuf BarBari
Kulankan
lagu soo
bandhigayo
warbixinta
ku aadan xaalada xuquuqda Aadanaha ee
Soomaaliya ayaa sidoo kale looga hadlayaa sidii
wax looga qaban lahaa xaalada walaaca leh ee
xuquuqda aadana. Dowladda Soomaaliya oo uu
matalayo safiirkeeda u fadhiya dalka
Soomaaliya u fadhiya Midowga Yurub Danjire
Yusuf Baribari ayaa sidoo kale lagu wadaa in uu
ka hadlo kulankan oo sida weyn loo wada
sugayo. Dowladda Soomaaliya ayaa laga
doonayaa in bulshada caalamka u sheegto sidii
ay u dhowri laheyd xuquuqda aadanaha.
Dhinaca bulshada Rayidka ayaa waxaa laga
casumay Cumar Faaruuq Cusmaan oo ah
Xoghayaha Guud ee Ururka Qaranka
Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee NUSOJ
maadaama ay suxufiyiinta Soomaaliyeed
yihiin kuwa sida weyn loo dhibaateeyay
marka loo eego dadka difaaca xuquuqda
Aadanaha. Cumar Faaruuq ayaa lagu wadaa
in uu warxibin ku aadan ku xadgudubka
xuquuqda aadanaha ee suxufiyiinta
Soomaaliyeed iyo guud ahaan Xoriyatal
Qowlka uu ka jeediya Golaha Qaramada
Midoobay ee Xuquuqda Aadanaha.
Muddo sanad ah gudaheeda waa markii
labaad oo xaalada adag ee ay ku shaqeeyaan
suxufiyiinta Soomaaliyeed lagu soo
bandhigayo Golaha Xuquuqda Aadanaha ee
Qaramada Midoobay. 4-tii bishii June ayay
aheyd markii uu Cumar Faaruuq Cusmaan iyo
wakiilada saxaafadda Adduunka ka hor
jeediyeen Golahani Warbixinno ku aadan sida
loo difaaci karo suxufiyiinta ka shaqeeya
goobaha colaadaha ay ka jiraan.
Sidoo kale Xarunta QM ee magaalada Geneva
ee dalka Switzerland ayaa waxaa lagu
qabanaya kulan bar bar socda midka kulanka
guud oo isna ku aadan sida Soomaliya looga
taageeri lahaa dhinaca difaacitaanka
xuquuqda Aadanaha. Safiirka Soomaaliya
Yusuf baribari ayaa horgeeyay qaraar lagu
qabanayo shirkan fadhigii golaha ee lasoo
dhaafay kaasoo ay taageereen dalal fara
badan oo ay ugu horeeyay dalka Nigeria oo
haya madaxtinimada dalalka Afrika ee QM
dhexdeeda. Waa markii ugu horeysay
taariikhda golaha Xuquuqda Aadanaha ee QM
in hal dal laga hadlo laba maalin oo isku xigta
ayna isku wada raacaan dhamaan dalalka
xubnaha ka ah.
Safiirka dalka Zimbabwe u fadhiya QM
Chitsaka Chipaziwa ayaa ku tilmaamay
go’aanka safiirka Soomaaliya ee uu ku
codsaday shirkan gaarka ah mid taariikhi ah
asagoo ku sheegay Ambassador Yusuf Baribari
oo safiir ah muddo labo sano iyo bar safiir aad
u fir fircoon oo lagu farxo sida uu u matalayo
dowladda Soomaaliyeed oo lagu tiriyo
dowladdaha dhacay.
Dhamaan bulshada calaamka ee daneeya
arrimaha Soomaaliya ayaa lagu wadaa in ay
kasoo qeyb galayaan labada kulan oo ka dhici
doona xarunta qaramada midoobay maalinta
talaadada iyo arbacada ee soo socda.
WWW.BUHODLEPOST.COM