YAA KADANBEEYA WADA HADAALADA KOOXDA NAIROBI IYO URURKA NSUM
Sida lala socdo hogaanka SSC wuxuu ka dhashay shirkii ka dhacay
magalada Nairobi sanadkii 2008. Shirkaas waxa ka qaybgalay
shakhsiyaad laga casumay debedda iyo wefti ka socday ururka NSUM
Waxayaalaha gadaal ka soo baxay waxa ka mid ah in maskaxda shirka
ka dambeesay ay ahyeen xubno watay in meesha lagaga dhawaaqo
maamul u gooni ah reer SSC. Arinkaas waxa aad uga soo horjeestay
kuna guulstay in ay baajiyaan weftigii ka socday ururka NSUM oo u
arkay in maamul cusub oo halkaas lagaga dhawaaqo uu kala qaybinayo
dadka reer SSC., hadafka shirkani aan la qaloocin oo u ahaado sidii loo
xoreyn laha dhulka laga qabsaday dhulbante.
Aakhirkii waxa shirkii la isku afgartay in la sameeyo hogaan oo
hawshiisu ahayd in u ka jabhadeeyo gudihii dalka. Waxa kale oo la isku
afgartay in xubnaha loo doortay hogaanka iyo sadixdii Isim ay ka
qaybgalay shirka in ay gudihii galaan si ay ula kulmaan ugana
dhadhiciyaan Isimadii kale ee ku sugna gudaha dalka.
Waxa guul daro noqotay in uu hogaankii laga beedhshay wixii la isku
oga, dibna u bilaabeen in ay lasoo baxaan maamulkii markii horeba
laga diiday, taasina waxay dhashay xaalada maanta ay SSC ku sugantahay.
Ururka NSUM oo ay ku bahoobeen aqoonyahanka SSC wuxu in badan
isku dayay in ay toosiyaan hogaanka iyagoo wadashaqayn iyo
talooyinba u diray marar faro badan, laakiin hogaanka iyo intii
maskaxda u ah way ka diideen wax wadashaqayn ah oo dhax marta
hogaanka iyo ururka.
Waxa beryahan socda hawlo lagu rabo in wadahadal laga dhax abuuro
ururka iyo hogaanka. Sida lagu baahiyay warbaahinta waxa Garad
Jamac Garad Ismaciil ku baaqay in uu gogol u dhigay ururka iyo
hogaanka si loo heshiisiiyo, laakiin waxa soo baxaya in arintu ay Garad
Jamac Garad Ismaciil ka shishayso oo ay ka dambeeyaan qolyo
kale.Waxa isweydiin mudan wa ayo qolyahaas iyo maxay tahay
ujeedadoodu.
Ilo xog ogaal ah aya sheegaya, in kasta oo la soo maray Garad Jamaca
Garad Ismaciil, hadana waxa jirta in shakhsiyaad ay ka mid yihiin Cali
Khaliif Galayr iyo Cali Ciise Cabdi iyo weliba Garad Jamac Garad Cali ay
la xiriireen Suleeman Cabdi Madoobe. Suleeman waa nin maal qabeen
ah kuna jira gudida Fulinta ee ururka NSUM. Waxa kale oo jirta
Suleiman iyo Cali Khaliif iyo Cali Ciise Cabdi waxa ka dhaxeeya
sharkada uu Suleeman madaxa ka yahay. Cali Khaliif iyo Garad Jamac
Garaad Cali labadooduba waxay ka simanyihiin nacaybka ay u qabaan
Puntland ama Majeerteen. Sido kale Cali Khaliif wuxu gacan saar la
leeyahay Somaliland, Cali Cisa Cabdi ruuxisuna wuxu u badanyahay
dhinaca Somaliland. Waxaas oo dhan oo jira aya hadana waxa cad in ay
xunbhaas culays sareen Suleeman Cabdi Madoobe. Suleeman ma ha
nin isagu ku shuqul leh Somaliland, waxana la isweediin kara waxa
isku xidhay Suleeman oo aan xiriir la lahayn Somaliland oo ogna
dhibaatada uu leeyahay maamul inyar wadato iyo qolyahan waxa ka
dhaxeeya. Ma dhici karta in isaga iyo xubnaha qaarkood ee ururka lagu
talaalay nacaybka Majeerteen?
Ilo kale oo aad loogu kalsoonana karo aya iyana sheegaya in isna lala
soo xiriiray gudoomiyaha ururka inj Maxamad Cali Mire oo lagu
qanciyay in uu gudida fulinta ee ururka ka dhameeyo sidii ay
wadahadal ula gelilahayd hogaanka loona ogalaado maamulka. Waxa
la sheegaya in Cali Khaliif oo xiriir wanaagsan ka dhaxeeyo
gudoomiyiha la hadlay, waxa kale oo gudoomiyaha la hadlay Garad
Jamac Garad Cali oo ay qaraabo yihin. Qolyaha wata hogaanka iyo
maamulka waxay xubnaha gudiga fulinta ee ururka u kala saraan in
mayal adag iyo in dabacsan. Intii uu socday shirkii Nairobi waxa jirtay
in xubnaha gudiga fulinta oo ah garabka mayal adag ay markiiba ka
biya diideen sidii u shirku u socday oo ila maanta aan ogalyn wax ku
shuqul leh hogaanka. Xubnaha ay ka mid yihiin gudoomiyaha iyo
Cisman Xasan, iyo Suleemana Cabdi Madoobe waxay ay ku jiraan
garabka ay hogaanku isha ku hayaan una arkaan niman aan
qalafsanayn. Waxa suuro gal ah in gudoomiyahu isaga oo qaadi kari
waayey codisga kaga yimid qolyaha la soo xiriiray uu iskugu yeeray
gudiga fulinta si loo furo wadahadal dhaxmara ururka iyo hogaanka.
Wadahadalkaasna wuu dhacay oo wuxu dhaxmaray hogaanka iyo
xubno la socday oo dhinac ah iyo xubno ururka ah oo uu gudoomiyihu
soo xulay, kulankaasna xubnha ururka ka socday si adag bay ula
hadleen hogaanka oo runtuna loo sheegay iyo dhibaatada uu hogaanku
u geestay halgankii iyo xoreyntii la rabay. Aakhirkina waxa lagu
heshiiyay in dib loo kulmo iyada labada qaybood ay soo igman doonan
gudiyo kala mesala.
Waxa hadaba soo baxaya ujeedada ay wataan qolyahan ka dambeeya
hogaanka oo ah in ay curyaamiyaan wefti uu ururku rabay in dhulkii
loo diro sii loo soo badho xaqiiqada dhabta ah ama shirweyne loo qabto
oo lagu go´aansado danta guud ee dhulbahante. Taasina waxay
qolyaha hogaanku u arkaan caqabad ka horimanaysa siyaasada ay
wataan ee ah maamul gooni ah oo aan weli dhulbhante isku raacin.
Su´aasha la isweedinaya waxa weeye wadahadalka ururku la gelayo
hogaanka oo keliya ma xalili karta dhibaatada maanta haysta SSC, mise
wuxu ururku ku talin doona in dhulbahnte oo dhani u baahanyahy in
la wadahadlo. Jawaabta su´aashan iyo kuwa kaleba waxayn ogaan
doona maalmaha soo scoda oo la filayo in kulan dhax maro hogaanka