|

maxaa sababay weerarkii lagu qaaday tuulada Oog

Dhacdadii weerarka Ilaaladda  Xaglo-toosiye ay ku qaadeen koontaroolka Tuulada Oog ee Maamulka Somalidiidka,  waxaa soo if baxay in ay ku salaysnayd soo jiidashada indhaha shacabka SSC, gaar haan jaaliyadaha Qurba joogta ah,  oo iyagu xidhay lacagihii ay usoo diri jireen Hogaanka.   Waxaa kaloo la xaqiijinayaa in ay jiraan arimo gaar ah oo sii badhitaaray falka weerarkan.

waxaa kaloo fajiciso ku noqotay dadweynaha deegaanka weerarka la qaaday waqtiga hadda ah, iyadoo la ogsoon yahay in si weyn loo kala furfuray awoodii iyo cududii midaysnayd ee beesha SSC, laguna abuuray siyaasado iska horjeeda.  Dadka la soo af-duubay lana keenay magaalada Buuhoodle waxay caddaynaysaa tuhunkii hore loo qabey ee ahaa – Hogaanku wuxuu doonayaa inuu ciidanka Sooamli-diidka ku soo hogaamiye magaalada Buuhoodle.
 

Iyadoo Maalamahan  aad loo hadalhayey inuu khilaaf u dhexeeyo khusuusida iyo Hogaanka, sida la sheegayana ku salaysan sharci la soo saaray oo uu diiday inuu saxeexo Saleebaan Ciise Axmed.  Sharcigaas oo qeexaya awooda Hogaanka iyo Khusuusida iyo waliba in deegaanka SSC uu yahay qayb ka mid ah Puntland, ayaa muujinaya habka awooda looga xayuubin karo Hogaanka.

Khusuusida iyo xubnihii dhawaan magaalada Garoowe laga soo saaray, ee ahaa xildhibaano ka tirsanaan jiray Puntland, ayaa diyaariyey qorshe ay  ugu tala galeen in ay Saleebaan Ciise xilka kaga qaadaan, iyagoo ku eedeeyeen inuu ku fashilmay howlihii loo xilsaaray ee ahaa  midaynta iyo xoraynta  deegaanka SSC.

Weerarkan waxaa markaa looga jeedey, sida la sheegayo, in indhaha laga laliyo mooshinka hadda dhex yaala Khusuusida, oo ah xil ka qaadista Saleebaan Ciise, waxaanu Saleebaan abuuray colaad aanu ciidan, saad iyo sahay midna u diyaarin.  Isagoo ogsoon inaanu taageero ka helayn dadweynaha Buuhoodle, wuxuu adeegsadey ciidan ka kooban ilaalada isaga u gaarka ah.

Dadkii lasoo af-duubay oo, laba iyo sadex marba mid lagu sheegayo, ayaa lagu hayaa meel ka mid ah degaanka Gobolka Cayn,waxaana la filayaa in dhawaan wax garadka reer Buuhoodle ay arintaa u istaagi doonaan.

Weerarkan majiire habaabinta ah ayaa la xaqiijinayaa in go’aamintiisu uusan  ku koobnayn Saleebaan Ciise oo keliya, waxaase jira magacyo aad u culus oo carabka lagu hayo, lana aamin sanyahay in ay wax ka ogaayeen.

Dadka dhaliila qorshaha Garaad Jaamac iyo Xaglotoosiye ayaa ku sharaxaya arintan inay tahay arin lagu doonayo in ciidanka Soomaliland lagu galiyo degmada Buuhoodle ka dib markii ay socon waayeen qorshayaal hore  lagu rabay in ciidanka Somaliland lagu ee keeyo degaanka Cayn iyo inta ka hadhay dhulka SSC.

Dadkii la soo afduubay oo lagu sheegayo inay markii hore ahaayeen 3 qof hadana lagu sheegayo in ay yihiin 1 qof  ayaa sida la sheegayo lagu hayaa meelka mid ah degaanka Cayn.

Si kastaba ahaate ee falkan ayaa noqonaya kii ugu horeeyey lagu qaado ciidanka Somaliland iyadoona maamulka Siilaanyo ay doonayaan inay arinta u rogaan qaab qabiil.

Buhodlepost.com

 monitoring office Buuhoodle-Somalia

email  webmaster.post@hotmail.com

Fikrad Ka Dhiibo