|

Ancelotti oo Isagoo Murugeysan ku Noqday Italy

Chelsea ayaa xaqiijisay Khamiistii in naadigu isku diyaarinayo kulanka ay kaga hor imaanayaan Arsenal iyadoo uusan wehlin Tababare Carlo Ancelotti, oo sababo qoys ugu laabtay Italy.

Ancelotti ayaa ku laabtay dhulkiisa hooyo goor hore oo horaanta Todobaadka si uu ugu qeybqaato Tacsida Aabihiis Giuseppe Ancelotti, oo geeriyooday Habeenimadii Arbacada isagoo da`diisuna ahayd 87-jir.Wuxuu la sii joogayaa qoyskiisa Aaska oo Sabtida dhacaysa, ka hor inta uusan ku soo laaban Kulanka Axadda ee lagu balansan yahay Stamford Bridge.Chelsea ayaa ka xun guuldaradii ugu horeysan xilli ciyaareedkan oo ku dhacday, iyadoo 1-0 ay ku garaacday Manchester City, Laakiin weli waxay ku hogaaminaysaa saddex dhibcood oo nadiif ah oo ay kaga koreyso Manchester United, oo barbardhac la gashay Bolton WanWWW.BUHODLEPOST SPOTS

Fikrad Ka Dhiibo