|

Kooxda Chelsea oo loo dhisayo Goob habeenkii ay ku caweeyaan

Milkiilaha naadiga Chelsea Roman Abramovich ayaa sheegay inuu qorshaynayo inuu dhiso  goob Kooxda Chelsea ku caweyso   habeenkii (Night-Club)

Roman Abramovich ayaa sheegay inay ku kici doonto lacago dhan 20 milyan oo gini dhismaha xaruntaas wuxuuna ka dhex samayn doonaa gudaha garoonka naadiga Chelsea ee Stamford Bridge.

Night Clup-kan ayaa waxaa uu qaadi doona 400 ilaa 500 oo ruux isago afar mitir ka sareeya dhulka waxaana uu leeyahay qeybo badan oo kala duwan oo ay ku xeran yihiin qalab casri ah waxaana lasoo gabo gabeyn doonaa bisha December ee sanadkaan.

Goobtan waqti dhumiska ah ee uu dhisayo Roman Abramovich ayaa doonaya inay xidigaha ka maarmaan goobaha kale lagu caweeyo habeenadii  waxaana uu ka dhisi doona ama leh dhulka laga dhisayo oo laga iibiyay Night Clup-ka lagu magacaabo Purple night Club laakin uu xermay sanadkii 2007 kadib markii ay soo wajahday dhaqaalo darro waxaana ka shaqeyn doona shaqaalihii hore ugu shaqeyn jiray goobtan iyadoo lagu soo kordhiyay qalab casri ah.

Roman Abramovich ayaa soo hindisay fikradaan uu ku dhisayo xarunta night club-ka xilli uu ku sugnaa fasaxa dalka Maraykanka wuxuuna u gudbiyay xaaskiisa Dasha Zhukova qaar ka tirsan xidigaha muhiimka naadiga Chelsea iyo qaar kale oo saaxibadiisa ah.

Bilyineerkan reer Raashiya Roman Abramovich ayaa lagu qiimeeyaa lacagihiisa in ka badan 8 billion oo gini wuxuuna ku leeyahay galbeedka London guri qurux badan oo ku yaala halka lagu magacaabo Lowndes Square isagoo sidoo kale leh dooman lagu dalxiis tago oo aad qaali u ah.

Sanadkii lasoo dhaafay wuxuu 300 milyan oo gini ku iibsaday markab dalxiis oo 164 meter ah kaasi oo leh,meel Tiyaatar,kaasi oo quusi kara waxaana uu ka iibsaday shirkada Jarmalka ah ee  lagu magacaabaa Blohm+Voss.

Sidoo kale wuxuu leeyahay diyaarad nooceedu yahay Boeing 767,wuxuu kaloo leeyahay ugu yaraan saddex Hellicopter, gaari aan xabadda Karin iyo walxo kale oo qaali ah.

WWW.BUHODLEPOST SPORTS

Fikrad Ka Dhiibo