|

Galkacyo,(buhodlepost)- Ergo nabadeed oo uu horkacayo Maxamed Cali Yuusuf (Gaagaab) ayaa maanta ah la filayaa in ay ka baxaan magaalada Gaalkacyo.

Si ay u kala dhex galaan laba beelood oo ku dirirsan deegaanka Cagaare.

Maxamed Cali Yuusuf (Gaagaab) ayaa waxa uu warbaahinta u sheegay tegitaankiisa ku aadan Cagaare,

waxaa uuna sheegay in ergo odayaal u badan oo uu horkacayo ay ku baxayaan maanta deminta

colaada ka soo cusboonaatey dhulka hawdka ah.

Gaagaab ayaa baaq nabadeed u diray labada beelood ee ku dirirsan deegaanka Cagaare, waxaa uuna

sheegay in uusan dagaal faa’ido laheyn oo ay ka fiican tahay in nabad lagu wada noolaado.

Odayaasha beelaha ay ka soo jeedaan reer guuraaga diriraya ayuu Gaagaab ugu baaqey in ay ka qeyb

qaataan kala dhexgalida labadaasi maleeshiyo beeleed ee hawdka ku dagaalamaya isaga oo sheegay in

uu ka qeyb geli doono heshiisyada lagu dhex dhexaadinayo labadaasi beelood.


” Ma aha in la fiirsado laba beelood ee reer Puntland ah dirirtood, waa in la kala dhexgalaa loo sheegaa

dantooda, waa in aan geed gaaban iyo mid dheer u fuulnaa sidii loo dhameyn lahaa oo aysan mar

dambe isugu soo laaban colaad dambe labada beelood” ayuu intaa raaciyey Maxamed Cali Yuusuf.


Ugu dambeyn waxaa uu sheegay in uu rajeynayo in talaabo wanaagsan loo qaado dhinaca nabada iyo

heshiisiinta beelahaasi, isaga oo intaa ku daray in ay jiraan wafdi kale oo ka soo bixi doona magaalada

Garowe kuwaasi oo wax ka xalin doona dhibaatada halkaasi taala.

Colaadan ka aloosan Cagaare ayaa noqotay mid soo noq noqota iyada oo ay dadbadan oo labada

dhinac ah ku naf waayeen, waxaana illaa imminka laga gaadhin xal waara oo lakala dhex dhigo

labadan beelood ee deegaan dhacadadii ugu danbeysay aya waxaa la sheegayaa in manta lagu afdubay

sadex dumara deeganka qorilay duledkeeda  waxana afduubkan gaystay maleeshiyad kasoo jeea

dhanka PURTINLE wararka aya intaa ku daraya in laga dareemayo agaas sansan colaadeed iyo ciidan

uruursi xoog badan  waxaaa baqyo kala duwanoo nabadeed u diray  labada beeelood e halka ku

dagaalamaya  dhaman wax garadka iyo maamulka puntland kuna baqay in lajoojiyo colaadaa oo soo

jiitamaysay ilaa iyo dabayaqadii saanadkii 2007 ayna ku nafwaayeen dda aad u tiro badan

WWW.BUHODLEPOST.COM

EMAIL BUHODLENEWS@HOTMAIL.COM

Fikrad Ka Dhiibo