|

Sunderland Oo Lugaha Ku-Dhagtay Man-United Iyo Spurs Oo Qaarajisay Aston-Villa

Manchester United ayaa dib u dhac kale la kulantay kulankii caawa ee Premier League markii ay 0-0 la dhaafi weysay Sunderland.

United waxey 3 dhibcood markaan ka danbeysaa Chelsea, taasoo beri la ciyaardysa Arsenal, laakiin tan waxey u tahay tii ugu xumeyd ee soo marta Alex Ferguson, markii 4tii kulan ee uu banaanka ku soo ciyaaray dhulka lala galiyay.

Sunderland, waxey sidaan oo kale bareejo ugu soo celisay Arsenal iyo Liverpool waxeyna ka soo badisay Manchester City.

Spurs oo qaarajisay Aston Villa

Rafael van der Vaart ayaa 2dii qeyb ee ciyaarta Tottenham u kala dhaliyay 2-1 ay ku garaaceen Aston Villa kulankii horyaalka Premier League.

Xiddiga khadka dhexe ee Netherlands dhamaadkii ciyaarta ayuu goolak 1aad dhaliyay halka kan 2aad uu dhaliyay daqiiadii 75aad.

Van der Vaart wuxuu sidaan u yeelanayaa 4 gool 3 kulan oo uu ku ciyaaray garoonka White Hart Lane tan iyo markii uu ka yimid Real Madrid maalintii ugu danbeysay ee suuqa kala iibsiga markii lagu soo gatay 8 million pounds.

Natiijadaasi waxey soo gabagabeyneysaa guushii macalin Gerard Houllier ee Villa halka Tottenham ay u dhaqaajineyso 11 dhibcood.

WWW.BUHODLEPOST SPORT.COM

Fikrad Ka Dhiibo