|

Xarrakatul Shabaab iyo AMISOM oo guulo ka kala sheegtay dagaallo ku dhexmaray Muqdisho

Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin iyo AMISOM ayaa maanta guulo ka kala sheegtay dagaallo ku dhexmaray magaalada Muqdisho.

Afhayeenka AMISOM Maj. Barigye Be-huko oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegya in dagaaladii ay kula galeen Muqdisho xoogagga Xarrakatul Shabaab ay ku gubeen saddex baabuur oo nooca dagaalka ah.

“Xarrakatul-Shabaab ma lahan gaadiid dagaal oo casri ah, laakiin gaadiid ay wateeen ayaan saddex ka mid ah ka gubnay, laba waxaan gubnay shalay midna maanta,”  ayuu yiri afhayeenka AMISOM, isagoo sheegay inaysan jirin wax khasaare ah oo iyaga gaaray.

Afhayeenka Xarrakatul Shabaab Sheekh C/casiis Abuu-muscab oo isaguna ka hadlay dagaallada ayaa sheegay inay fashiliyeen qorshe ay ciidammada AMISOM iyo kuwa dowladdu ku doonayeen inay qabsadana aagag cusub.

“Waxaan ka hortagnay weerar ay ku doonayeen AMISOM iyo dowladda inay ku qabsadaan goobo ay mujaahidiintu ku sugnaayeen, waana fashilinnay, iyagoo bilaanbay inay duqeeyaan magaalada ayna dilaan shacabka,” ayuu yiri Abuu-Muscab.

Afhayeenka AMISOM oo kaga jawaabayay hadalka kasoo baxay afhayeenka Xarrakatul Shabaab ayaa sheegay inuu yahay mid been abuur ah, isagoo xusay in hadafkooda uusan ahayn inay dadka dilaan, balse ay jiraan dad badan oo qorshahoodu sidaas yahay.

Maj. Behuko, wuxuu sheegay in shacabka Muqdisho ay hubeysan yihiin, ayna dhici karto inay magaalada duqeeyaan, isagoo xusay in hoggaamiye kooxeedyadii Muqdisho oo hubeysan ay weli ku sugan yihiin Muqdisho.

xigasho hiiraan

Fikrad Ka Dhiibo