war-murtiyeed ka soo baxay ururka NSUM oo ku saabsan wada hadaladii u socday ururka iyo Kooxdii Nairobi
Sida la wada ogyahay ururka NSUM wuxu wax ka soo dhisay hogaankii lagu sameeyay Nairobi sanadkii 2008, ujeedada hogaankaas loo sameeyay, hogaamiyayaashana loo doortay waxay ahayd midaynta dadka iyo xoreynta SSC ee cadowgu haysto. Mudo yar ka bacdi waxa ururka u cadaatay in hawshii loo igmaday hogaanka aynan u socon sidii la rabay. In badan ayaa ururku isku dayay in la toosiyo hogaanka hadii ay tahay talowadaag iyo wada shaqaynba, waxaase nasiib daro dhacday noqotay in hogaankii ka madax adaygay wixii talowadaag ah ama wadashaqyn ah ee u dhaxayn lahaa hogaanka iyo ururka.
Waxa xusid mudan in mudo aan sida u fogeyn la isku dayay sidii loo wadahadalsiin laha ururka iyo hogaanka iyadoo ujeedada ka dambaysay ahayd in la helo wadashaqayn iyo talowadaag dhexmarta ururka iyo Hogaanka si Hogaanka marin habaabay loogu duwo dariiqii qumanaa. Arintaas waxa hawl iska saaray Suleiman Abdi Dualeh oo ka mid ah Gudida Fulinta NSUM iyo taageerayaasha Hogaanka oo uu ugu horeeyo Aden Ali Dualeh iyo Garad Jamac Garad Ismaciil oo gogol u fidiyay wadahadalka. Shirkii ugu horeeyay oo teleconferece ahaa oo Garad Jamac isku xilsaary wuxuu dhacay 6 September. Shirkaas oo hordhac ahaa waxaa lagu gudoonsaday in qolo walba soo xusho shan(5) xubnood oo sii wada wixi wadahadal ah ee dhiman.
Ayaandaro, shakigii NSUM ay ka qabtay in aan Hogaanku daacad ka ahayn wada hadalka durbadiiba waa soo ifbexeen. Ugu horayn, shirkii hordhaca ahaa waxaa ka soo qayb galay dhinaca Hogaanka laba qof oo ka mid ah xubnihiisa oo mid yahay Hogaamiyaha iyo nin lagu magacaabu “wasiirkai arimaha debeda”. Hogaamiyuhu markuu dhowr miridh hadlay ayuu shirka ka cudurdaartay in uu ka baxo sababna uga dhigay shir kale oo uu aadaayo. Mahad waxaa leh Aden Ali Dualeh oo ku guubaabiyay Hogaamiyaha in uu shirka fadhiyo golahana xaqdhowro taas oo nasiib wanaag Hogaanku ka yeelay.
Kadib, inkasta oo Ururka NSUM uu isla maalintiiba Hogaanka u gudbiyay xubnaha NSUM shirka danbe uga qaybgelaya waxaa nasiib daro noqotay in ila maalintaas oo hada mudo bil ku dhowaad laga joogo in aan laga hayn hogaanka guddi sugan oo aan ka ahayn in warbaahinta loo gudbiyay laba gudii oo kala jaad ah oo intooda badani ayna ka mid ahayn Hogaanka ee yihiin taageeroyaal. Sida Hogaanku arinta uga cagataagleeyay ama uga caqajiidaayo waxay ka dhiganthay “Nin wayn tag lama yidhaado ee wuxuu ku tagaa la tusaa”.
Dad badan oo ka mid ah bulshada SSC ayaa uga digay NSUM, ama baaqyo ha ku soo saareen warbaahinta, ama saaniba ha ula soo xidhiidheene, in ayna NSUM shir kala qaybgelin Hogaanka oo wakhti iskaga lumin. NSUM ka ma yeelin oo inkasta oo ay rajaxumadaa dadka la qabto hadana waxay door biday in ay shirka ka qaybgasho intii la canaan lahaa.
Waxa urur ahaan noo cadaatay in aan hogaanka iyo in badan oo ku xeerani ayna daacad iyo diyaar u ahayn in talo lalawadaago ama ayna wax masuuliyad ah iska saarin dadaalkii lagu doonayay in wadahadal iyo wax wada qabsi laga dhax abuuro ururka iyo hogaanka. Hadda NSUM wuxuu markaa yahay mowqifkeedu “iga kici kob aan geel ku dhalin kuubad xumadeeda”. Marka howlaheedii iyo danaheedii kale oo in badani ka baylahday ayay haatan u jeesanaysaa.
Hadaba annago u mahadcelinayna intii isku dayday hawshan wadahadalka ururka iyo hogaanka oo ay ugu horeeyaan Garad Jamac iyo xubno ay ka midyihiin Adan Ducaale, waxanu halkan ku bayaaminayna in aan aad uga xunnahay in waqti qaali ah uu lumo oo hawshiina ka fuliweyday xagga hogaanka. Sidii ay mar walba naga ahayd waxaanu talo la wadaagayna shacabka SSC oo aan ugu baaqayno in aanu hayno talooyin aan u argno in lagaga bixi karo marxaladan aynu ku suganahay.
Marka la eego dhaqdhaqaaqa ama dhaqdhaqaaq la’aahta ka jirta SSC, xaqiiqada ka jirtaa waxay tahay in cidda qudh ah ee u hogaansan, taabacsanna hanaankii iyo mabaad’dii Hogaankii lagu sameeyay Nairobi in uu yahay Garabka Badbaadada SSC ee Madaxda uu ka yahay Mohamed Hassan Buraale. Wallow ilaa haatan uu Garabka Badbaadada SSC keli ku yahay, oo rag kula jiray ay ku biireen Hogaanka dan iyaga u gaara owgeed, hadana NSUM waxay qabtaa Garab daacad ah in uu dhaamo Hogaan faalsa ah magac iyo dhib mooyaane aan SSC dani ugu jirin. Garabka Badbaada SSC wuxuu markaa istaahila taageerada NSUM iyo shacab waynaha SSC .
Sidii dad badan oo qurba jooga SSC ay ku taliyeen wakhtigii NSUM ay shirarka ku qabatay Minnesota iyo Ohio, waxaa lagama maarmaana in dalkii loo diro wafdi culus oo miisaaman oo madaxbanaan oo soo darsa meelaha u baahan in wax laga saxo hadii ay tahay dhinaca Hogaanka, Isimada, bulshada, ciidamada, siyaasiinta iyo xitaa anakayagan NSUM. Annago wareysi siin doona dadweynaha SSC ayaanu warar iyo tafaasiil faahfaahsan ka bixin doona go’aankan hadii alla idmo maalinta Axada ee 10 bishan Oktobar.
NSUM,
Gudida Fulinta
Web: www.n-sum.org
Email:admin@n-sum.org
——————————–
Northern Somali Unionist Movement (NSUM) is a grass roots Somali organization whose members and supporters hail from Sool, Sanaag and Cayn regions in the Northern regions of Somalia(formerly British Somaliland) and whose clan in these regions do not identify with the one -clan-driven secession calling themselves” Somaliland”. NSUM stands for the promotion of peace and unity among the long-suffering people of Somalia.
