Dr C/kariin Xassan jama oo la filayo in loo magacaabo Raysalwasaraha cusub ee Somalia
Tan iyo intii uu is casililey raysal wasaarihii hore ee Somalia cumar c/rashiid cali sharmarke ayaa waxaa soo baxaya musharixiin badan oo doonaya inay ku fadhiistaan kursiga uu baneeyey mr sharmarke,
Magacabida raysalwasaraha oo ah awood dastuuri ah oo madax waynuhu iska leeyahay isla markaana aanu baahnayn campaign ayaa waxaa sacadaha soo socda la sugayaa cida uu ku dhawaaqo madaxwaynhu,
Waxaa soo baxaya ilaa 3 musharax oo danaynaya inay noqdaan raysalwasaaraha soo socda kuwaas oo cv gooda u gudbiyey madaxaynaha in kasta oo uusan wali jawaab ka bixin cida uu xushay,
Hadaba lama cadayn karo shaqsiga uu noqon doono raysalwasaraha soomaliya madama ay siyaasadu is bedel badan tahay waxaase wararkii ugu dambeeyey ee laga helayo madax tooyada somaliya ay sheegayaan inuu miiska saran yahay Dr C/kariin xasan jama oo ah agaasimaha madaxtooyada,
Waa kuma Dr C/kariin hassan jama?
Cabdi kariin waa waa siyaasi dhalinyaro ah oo ka mida qurba jogta soomaliyeed
Dr cabdi kariin wuxuu wax ku bartay wadanka maraykan ka kaas oo uu ka haysta shahaada PHD
Dr cabdi kariin wuxuu kale oo si wayn u bartay cilmiga diinta islamka isaga oo gudoomiya u ahaa gudigga islaamka ee cariga maraykan ka,
Dr kariin wuxu mudo dheer ka soo shaqaynayey safaarada sucuudiga ee wadanka maraykanka,
Dr cabdi kariin waxaa lagu sheegaa nin dabeecad wanaagsan degan isla markaana si daacad ah u guta shaqada uu hayo,
Dr cabdi kariin wuxuu siyaasada somalida soo galay waqtigii dawladii jabuuti isaga oo markaa damiciisu ahaa inuu noqdo raysalwasaraha Somalia balse markii dambe uu nasiib u yeeshay in ninkale oo reer puntland ahi buxiyo kursigaa waa Dr cumar cabdi rashiid
Hadaba waxaynu sugnaa waa saacadaha inagu soo aadan iyo madaxwaynuhu cida uu ku dhawaaqo,
