|

weeraradii fashilka hogaanka SSC

Hogaanka SSC oo loo asaasay loona dhisay inuu mideeyo Bulshada SSC isla markaana degaanka ka maqan ee gacanta ugu jira is-huwanta Soomalidiidka dib ugu soo celiyo dadka iska leh gacantooda, ayaa wuxuu qaaday dhowr dhaq-dhaqaaq oo uu magac daray Weerarada Xoraynta, balse ku dhamaaday tuuryooyin aan dhaafin duleedka isla markaana  loo maamulay hab ka gedisan Fal Ciidan.  Goobahaas Hogaanku weerarada u diray waxaa ugu horeeyey kii lagu qaaaday Magaalada Widh-Widh, iyadoo aan markaas wax qulqulad ah oo ka taagnaa aanay jirin.  Weerarkaas waxaa la qaaday iyadoo aan lala socodsiin dadka degaanka ku nool, iyadoo aan wax Saad Cunto, Shidaal iyo Rasaas toona loo geynin.  Ujeedada weerarkaas – Xoraynta – waxaa lagu jebinayey wada hadal dhex maray dadka jiidaas degan iyo Odoyaal ka tirsan Beelaha Soomaalidiidka, loogana hadlayey sidii ciidankaas looga rari lahaa degaankaas.  Hogaanku, isagoo ka biyo diiday in cid kale oo hadli kartaa ay jirto, wuxuu qaaday dagaalkaas oo uu geliyey ciidan aan tababar, tiro iyo tayo toona u lahayn in ay ka hor-tagaan kii Soomalidiidka.  Cid aan Anaga ahayn miyaa hadli kartaa, iyadoo ay ujeedadooda tahay, balse aan ragga la miidaaminayo sabab la’aan aan Hogaanka iyo hor-boode-yaalkiisu ka fiirsan,  waxay keentay in nolol lagu kaxaysto raggii uu diray oo weliba uu hab qabiil ku abaabuley.  Waxaa taa ka daran, in warbaahinta lagu soo saaray in Ciidankii Hogaanku qabsaday Magaalada Widh-widh, warkaas oo maalintii Axadda ee dhacdadaas ku xigtey bulshada Qurba joogta ah guul in la gaadhey lacag lagaga uruursaday.  Hadalkii ugu cuslaa, runtana aad uga fogaa ee malintaas kooxda Hogaanka kasoo yeedhay wuxuu ahaa :- “Todobaad Xornimo lagu gaadho maanta ka hor lama sheegin”, waxaana Or iyo Mashxarad wada socda ragga dhiigiisii qurba joogta lagaga bilaabay in $5,000-00 yabooha laga bilaabo, si loo adkeeyo guusha la gaadhey.  Runtu waxay ahayd in dadka loo sheego in 7 beri hogaankii ku jabay, markaa ka dibna aanu helin 30 askari oo uu goob isugu keeno.  Degmada Widh-widh maalintaas ayay si buuxda ugu gacan gashay ciidanka Soomaalidiidka.  Weerarkaasi wuxuu u ekaaday ninkii waalaa ee gurigiisii dabka geliyey.

Weerarka labaad ee sababta Hogaanka ku dhacay wuxuu ahaa kii Ciidanku Xabashidu ka qaaday Magaalada Buuhoodle, halkana lagu laayey rag badan,
laguna boobay hanti fara badan weerarkaas Ethiopian ku kusoo qaadeen shacabka reer Buuhoodle oo ahaa mid ay keentay siyaasad xumada kooxdan.  Weerar celintii Hogaanku qaaday waxay noqotay in la kaxeeyo saraakiisha Ciidanka Xabashida, lana geeyo tuulada Dhalaama-cune, iyadoo la tusayo ciidankii hogaanku inuu san ka qayb gelin dagaalkii Buuhoodle.  Halkaana wuxuu hogaanku ka muujiyey inuu naftiisa la baxsado.  Taasina waxay ugu jirtaa Weeradii Xoraynta ee uu qaaday.

Weerarka sadexaad ee Xorayntu wuxuu ahaa kii lagu qaaday Magaalada Xadhadhanka, iyadoo lagu saleeyey in aan cid kale oo hadli kartaa aanay jirin, waxaana la adeeg sadey dhalinyaro lagu hawl geliyey in magaaladii la qabaday.  Dhalinyaradaas oo watey qoryo aad u fudud, saadka Hogaanku soo siiyey wuxuu ahaa nus-kiilo qaad ah oo wiil kasta guntiga ugu jirey,  qaadkaas oo ardaaga Hogaanka ama golayaasha kooxdanba caanka ku noqday, markii horese aan laga aqoon Magaalada Buuhoodle.  Dhalinyaradaas lasoo qalday waxaa lagu qaqabtay magaalada hareeraheeda iyo gudaheeda, lagana qaaday  hubkii ay siteen.  Waxaa nasiib wanaag ah weerarkaa Xoraynta cid wax ku noqotay in aanay jirin iyadoo cida marka la xoraynayeyna ay ahayd odaayshii goobtaas shirku ugu socday.  Guryo noqosho, siyaabo badan oo kala duwan ayay Soomalidu u kala sheegtaa, waxaana ka mid ah dhacdadan, haddii aan la odhan – Kabo tolow ma halkaas baad ka kuddey.

Weerarka Xoraynta ee afraad wuxuu ahaa kii lagu qaaday Kantaroolka Magaalada Oog, ee gacanta ugu jirta ciidanka Soomaalidiidka.  Dagaalkaas waxaa lagu majare habaabinayey waxa lagu sheegayXeerkii Hawl-Qaybsiga Hogaanka iyo Khusuusiga oo maalintaas laga sugayey inuu soo celiyo Saleebaan Ciise isagoo soo saxeexay.  Kulankaas si looga boodo, wuxuu Hogaanku abaabulay Weerarkaa Xoraynta, isgaoo aan wax qorshe ah u dhigin weerar celis ka yimaada dhinaca kale, isla markaana aan wax digniin ah siinin dadkii magaalada degenaa si ay u diyaar garoobaan.  Taasi waxay u eg tahay markii labaad ee loogu talo galay in Ciidanka Soomalidiidka lagu soo hogaamiyo Magaalada Buuhoodle.

Weerarka Xoraynta ee ugu yaab badnaa wuxuu ahaa kii lagu qabsaday Saldhigga Booliska ee Buuhoodle.  Falkaas oo aad la yaab u lahaa, Hogaanku haddana adkaysi uma yeelan inuu sii haysto, balse wuxuu kaga baxay maqal uu ogaaday in lagu soo socdo.  Waaba la odhan karaa wuxuu kala ilaaliyey Tol isku dhaca, haddii aanu isagu ahayn kii markii hore qabsaday.

Guulaha lagu faafiyo Qurba joogta dhexdeeda, aanse ka jirin degaanka beesha, waxaa muuqata in ay hadda soo wada xidhmeen.  Degaamo la qabsaday oo hor-leh iyo Rag lagu laayey iyo kuwo loo gecan geliyey cadowgii lala dagaalami lahaa, ayay noqotay natiijada laga helay taladii Hogaanka iyo maskax iyo garasho ku biirisa, qaarkoodna duubab xidhanyihiin.

waxaa hadana aad loo hadal hayaa waxa (labada -guud) hogaanka guud iyo Garaadka guud ay ku hayaan aaga saaxdheer,iyadoo la ogyahay in jiidaasi ayku dagaalansanyihiin labo beelood oo ka mid ah beelaha Harti waxana is waydiin mudan in labada Guud ay howshaa dhexdhexaadin ka galidoonaan iyo inay garab raaci lahaayeen iyo in ay sidii kii xabashida dusha ka eegi doonaanba.

Fikrad Ka Dhiibo