Tababare Farayare Oo La Ganaxaay
Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed ayaa ganaax muddo labo sano ah dul dhigay Tababare Maxamed Cabdulle Farayare, iyadoo xiriirka ay sheegeen in ganaaxiisa uu ku yimid ka dib markii hadalo ka dhan xiriirka K/cagta uu ka adeegsaday dhanka Warbaahinta.
Nuqul ka mid ah warqadda ka soo baxday Xafiiska kusimaha Xoghayaha guud Xasan Maxamuud Maxamuud [Xasan Farey] oo soo gaartay warqabadka isboorti ayaa u qornayd sidan:
“Markii guddiga fulinta la hor keenay eedeyn kaa dhan ah,taasoo ku saabsan in aad aflagaado iyo dhaqan xumo ka baxsan xeerka K/Cagta aad u gaysatay xiriirka K/Cagta maamulkiisa iyo weliba macalimiinta Qaranka, taasoo aad u marsiisay warbaahinta si is daba joog ah. Iyadooweliba horey lagaaga digay inaad ilaaliso anshaxa, Laakiin nasiib daro aadan dhag u dhigin, Fekirkuna ma aha inaysan Tababareyaashu hadli ka rin Saxaafadda waa ka hadli karaan, Laksi waafaqsan xeerka Xiriirka K/Cagta.
“Haddaba guddiga Fulinta waxay go`aan ku gaareen in dhaqdhaqaaqa K/cagta aad ka fadhido muddo labo sano, taasoo micnaheedu yahay inaadan shaqo Tababare qaaban karin muddadaas labada sano ah heerka kooxaha iyo Qarankaba.”
Warqaddan lagu ganaaxay Tababare Farayare ayaa ayaa lagu xusay inay u furan tahay inuu si sharci ah uga doodo ganaaxay la dul dhigay.
Si kastaba, Tababare Maxamed Cabdulle Farayare ayaa ka mid ahaa tababarayaasha Soomaaliyeed ee Taariikhda Kubadda Cagta Soomaaliya inta la ogyahay guulo Taariikhi ah soo hooyay, waxaana inta badan lagu xusuustaa guulihii ay ku talaabsadeen Xulka da`doodu ka hooseyso 17-jirada oo markii ugu danbaysa la rumaysan yahay in xilka Tababarenimo looga qaaday muran soo dhexgalay isaga iyo maamulka sare ee Xiriirka
BUHODLEPOST SPORTS