XORMADA MAANTA…CADKEEROW KU CUNAY AMA KU CIIDEEYAY
By: Khalif Omar Samatar
dinu-hanifa@yahoo.com
Gaalkacyo
Gaalkacyo (Caasimada Gobolka Mudug ),waa Magaalada gasha kaalinta labaad deegaamada ay ka
arimiso dawlada Puntland marka la eego baaxada ay ku fadhido iyo mushtamaca ku dhaqan.
Gaalkacyo waxay kulmisaa deegaamada koofurta, galbeedka iyo waqooyiga Somalia islamarkaasna
dhaqdhaqaaqeeda dhaqaale iyo siyaasdba ku xiran yahay. Gaalkacyo waxay qayb wayn ka soo qaadatay
isbadaladadii siyaasadeed ee soo maray Somalia, haday noqon lahayd mid taariikhda Somalia
dhaxalgal u ah iyo hadii ay noqon lahayd hooyadii isqabqabsiga muranka siyaasadeed hada jira.
Qabsashadii Gaalkacyo
Dagaaladii sokeeye ee keenay burburkii dawladii dhexe 1991kii, waxay suurta galiyeen in ay qabaa’ilka
dagan koonfurta deegaanka Gaalkacyo ay si sahlan gacanta ugu dhigaan degmada.
Dadka indha indheeyaya siyaasadaha murugsan ee Somalia ayaa ku sifeeyaan qabsashada Gaalkacyo
ee kooxda Koonfureed mid ay keentay cannaad iyo xiniftan ka dhaxeeya beesha dagta Waqoyiga iyo
Galbeedka magaalada Gaalkacyo.
Qorshihii gacan ku soo celinta Gaalkacyo isla sanadkaas waxaa si wayn uga qaybqaatay dhamaan
dadka reer Puntland u dhashay meelkasta ay joogaan una huray mood iyo maalba.
Arimaha Amniga iyo Siyaasada
Intii ka dambaysay dagaaladaas sokeeye Gaalkacyo amnigeedu ma ahayn mid caga fiican ku taagan,
xaalad kasta oo soo foodsaarta degmada xal u helideeda waxay saamayn wayn ku yeelataa guud ahaan
xaalada amniga ee Gobolka.
Jawiga qalafsan ee ka jira caasida gobolka Mudug oo mararka qaarkood keena ama sababa isku dhac
laba beelood ama beel iyo maamul ayaa la oran karaa waxaa sabab u ah arimo dhawr ah.
-
Horaantii sagaashanaadkii magaalada Gaalkacyo waxaa si fudud dib loo soo dajiyay beelaha
koonfurta daga iyadoo uu san dhicin xisaabtan dhaba – heshiiskaas fudud wuxuu ahaa mid inyar
si qarsoodiya ugu tagri fashay ama aanan ahayn mid loo dhan yahay, ka dibna ay tani dhashay in
laba maamul oo heshiis dhaba lahayn kana soo jeeda beelihii ay dirirtu dhexmartya ay ka
arimiyaan hal degmo.
-
Uga dambayn la’aan DawladaPuntland awaamiirta dawliga ah ee ay dalka ku xukuunto.
-
Dilal ku salaysan aanooyin qabiil oo mararka qaarkood ka dhaca gobolka.
-
Foodada ka socota koonfurta Somalia oo saamayn wayn ku leh.
-
Magaalada oo ay xarun ku lee yihiin shakhsiyaad la soo shaqeeyay maamuladii hore ee ku
fashilmay maamul wanaaga islamarkaasna mararka qaarkood isku daya carqaladeen ka dhan ah
isbadalka cusub ee ka socda Gobolka ama guud ahaan Puntland, ka dib markii ay iska dhex arki
waayeen.
-
Iwm.
Gaalkacyo V Maamulka Cusub ee Puntland
Intii uu xilka la wareegay Maamulka cusub ee ka arimaya Puntland waxaa isa soo tarayay dhib laga soo
sheegayo Gobolka, sida;
Dilkii loogu gaystay Wasiirkii Warfaafinta Mudane Warsame Abdi Shirwac (Seefta Banaanka) oo
gudoomiye markaas u ahaa gudi xaqiiqo-raadis ah uu maamulka Puntland ugu diray hawlo shaqo
koobta lagu dilay,cidii gaysatay dhacdadaas foosha xun ayaa wali baxsad qoran oo aan marnaba la soo
galin gacanta Dawlada Puntland.
Waxaa iyana xusid mudan fadeexadii lacagtii faalsada ahayd ee lagu qabtay Airporka Gaalkacyo oo
suuqa-madoow looga soo dajiyay ka dib markii lagu soo guray kartoomo ay timiri kor kaga
sawirantahay-Lacagtaan oo ahayd in lagu qiyaasay 500,000 oo USD ah ayaa maleeshiyo beeleed ka
socda laba qof oo dumara sheegtayna milkiilayaasha lacagta kontrobaanka ah iyo koox kale oo
saamilay ahayd oo iyagu aan ismuujin balse kor kala socday meesha ay xaajo cagadhigato ay si xooga
ugala baxeen xarunta Airporka ka gadaal markii ay u cuntami wayday go’aamadii dawlada Puntland ay
ku doonaysay xal.
Waxaa dhawaan dawlada Puntland magaalada Gaalkacyo gudaheeda ka qabatay nin lagu eedeeyay
inuu dadka ku booriyo ka mid noqoshada xarakada Al-Shabaab mararka qaarkoodna uu si cad ugu
soo qaatay khudbadaha jimcaha in loo baahan yahay in lagu jihaado maamulka Puntland oo laga mid
noqdo ururada magacyada Islaamiga wata –Qabashada shakhsigaas noocaas ah ayaa Dawladu kala
kulantay ismariwaa u dhexeeya iyada iyo Beesha uu ka dhashay dambiilaha oo ciidama beeleed soo
dhoobay goobtii uu ku xirnaa ilaa markii dambe damaanad lagu sii daayay .
Hadaba waxaa is waydiinleh meesha ay salaadu iska qaban la’dahay ma Gaalkacyo baan maamul
doonayn mise Maamulka ayaan Gaalkacyo doonayn?
Maamulka cusub ee hada talada wadanka haya ayaa muuqataa in siyaasad furfuran kula dhaqmay
Gobolka islamarkaasna uu xukuumada ugu daray qaybaheeda kala dawan dad tayo aqoon iyo mid
shakhsiyadeed leh si habsamiyana u bixiyo wixii mushharadaad ah lana leeyahay Gobolka xiriir joogta
ah oo dhaw, degmaduna ay hada lee dahay maamulkii ugu fiicnaa inta laga xusuusto jiritaanka
Puntland.
Waxaa kaloo iyana muuqata in maamulka si buuxda uga qayb qaato xal u helida khilaafaadka
dhulalka daaqsinka la xiriira oo inta badan soo noqnoqda, waxaana hada wafdi ka kooban odayo
dhaqmeed, Wasiiro iyo Waxgarad kale u jooga degmada Buurtinle sidii ay u soo afjari lahaayeen
qulqulooyinka la xiriira deegaamada daaqsinka.
Mashaariicda hurumarinta, sare u qaadida tayada Tacliinta iyo Caafimaadka, Hospitalka Gaalkacyo oo
dib loo furay ka dib markii uu xirnaa mudo dhawr sano ah iyo wax qabad kale oo badan.