|

QARMADA MANTA….. QULUWALAHAYGII & FATAXADAYDII SIDEE BAN US OO CESHADAA

FAATAXEYDII &QUL-HUWALAHEYGII II SOO CELI

qalinkii: ahmed takar
 
inta badan dhaqanka somalida ayaa waxaa ka mid ah

in markii dadka socotadaa ay soo maraan meel qabri ama

 
xabaal ah eey caleemo qoyan ama cows qoyan dul saaraan

ka dibna ay kor istaagaan kuna aqriyaan faataxada iyo

 
qul-huwalaha iyo wixii kaloo duco ah ,
 
hadaba maalin maalmaha ka mid ah ayaa odey JAAMAC

 
o ah odey somaliyed oo si weyn looga yaqaano deegaanka

 
uu ku nool yahay wuxuu soo maray qabri wadada dhinaceeda

kuyaala sidii caadada aheyd ayuu inta is-dul taagey wuxuu

 
bilaabay inuu u duceeyo kuna aqriyo faatxada iyo qul-huwalaha

isagoo ducadii iyo quraankii dhexda kaga jira ayaa waxa kusoo

baxay odey JIMCAALE oo ay isku degaan yihiin sifiicana isu

yaqaaniin waxaa dhexmaray sheekadaan:
 
jimcaale: war jaamac bal waran

jamac:     madaxa ayuu ruxay umana jawaabin

jimcaale :jamac miyad dhago-cuslatay maad salanta iga qaadid

jaamac   :walal faataxo ayaan ku aqrinaayey qabrigaan

jimcaale : haaa, oo miyaad taqaanaa qofkuu yahay ?

jaamac   :maya, koleybase waa qof muslima oo somaliyeed

jimcaale :waar somaligaa ba,ye wallee haddaad oqoon laheyd kuma

 aad aqriseen

jaamac   : oo ducadii iyo qul-huwalihii sii wata ..oo waa kuma?

jimcaale : waa ninkii hebel aha oo reer HEBEL  ahaa

jaamac   : oo dareen xoog leh galay durbadiiba , war ma iga hubtaa?

jimcaale : oo hore usii dhaqaaqay , haaaa,haaaa

jaamac   : oo aad u careysan ayaa wuxuu bilaabay inuu dib uga tuuro

                  caleemihii iyo cowskii qoyanaa ee uu qabriga dul -dhigay

                  isagoo ku qeylinaaya FAATAXADEYDII II SOO CELI,

                  QUL-HUWALAHEYGII II SOO CELI


                 ” bal maanta iyo reer hebel faataxo u aqri”…

 
Qisadan oo ah dhacdo dhab ah oo ka dhacday somaliya waxay ina

 tuseysaa

sida qabyaalada iyo aanada qabiilku ugu xidideysteen somalida

 dhexdeeda.

 QALINKII AXMED TAKAR

EAMIL TAKAR77@HOTMAIL.COM

WWW.BUHODLEPOST.COM

Fikrad Ka Dhiibo