|

wafti ballaadhan oo uu hogaaminayo Garaad C/laahi garaad Soofe oo ku sii jeeda degmada Burtinle

wafti baladhan oo isugu jira issimo ,aqoonyahano iyo Cuqaasha gobolka Cayn ayaa ka anbabaxay dagmada buuhodle ee caasimada deeganka Cayn waftigan oo uu hogaaminayo Garaad C/laahi  Garaad Soofe

oo kusii jeeda deegaanka Cagaarran iyo maygaag

halkasoo dagaalo soo noqoqday ku dhexmareen  beelo wada daga,dhulka  miyiga ah dagaalkan oo ugu horayntii ka bilowday dhuldaaqsimeed ayaa wuxuu gadhay heerkii ugu xumaa todobadkan,Ka dib  markii laysku fara saray dhawr meelood kuna dhinteen dad gadhayaa 7 qof.

dhanka kale waxa ku sugan agaas wuffuudd kala duwan oo ka kala socda deegaanada Puntland isuguna jira saraakiil maamulka ka tirsan  iyo wax garadka

gobollada puntland   ku waas oo quud darraynaya in ay soo  afjaraan sheqaaqadaasi,   waxaana bolowday wada hadalo si goono gooni loola yeelanayo beelaha dirirtu ka dhaxayso.

iyadoo ay jiraan meelo kale oo ka mid ah  gobollada puntland oo iyana ay ka jiraan  dagaal beelleedyo ku salaysan dhul daaqsimeed,dagaaladaas oo soo noqnooqanayey sanadihii ugu  dambeeyey ,

ayaa ku keenay shacabka reer Puntland walaac iyo qabaddo iyo kala shaki wax u dhimay wadajirka iyo ilaalilnta nabada iyo difaaca deegaanka puntland.

lama garanayo meesha ay ku danbayn doonto colaadan iyo burburka amni darrada soo food saray maamul goboleedka Puntland taas oo loo aanaynayo in ay ka abuurantay dhaqanka maamul xumada madaxda hogaamisa muumulka Puntland,

maamulka Puntland oo ku salaysnaa habeeleed iyo awood qaybsi  ay ku heshiyeen belaha daga bobolaadsi,ayaa dadka indha indheeya siyaasada ay sheegayaan in jiritanka mamulka hada uu marayo meel xasaasi ah  iyadoo  lawada ogsoonyahay in ay ka abuurmeen gobolada Puntland  jabhado kasoo horjeeda maamulka Puntland  Jabhadahaas oo gaadhaya ugu yaran laba jabhadood ama kooxood.

Kooxahaas waxaa kala  hoogaamiya  Saleeban Ciise Axmed  oo kamid ah musharaxiintii jagada madaxweynenimada Puntland u tartamay sanadkii 2008 iyo kooxda kale ee uu hogaamiyo Sh. Maxamed Siciid Attom oo maamulka Faroole uu ku sheego koox argagixiso ah  oo ku dhuumalaysata buuraha galgala,

Kooxda Attom ayaa lagu eedaynayaa in ay ka gaystaan dilal shoqsahaysan  gobolka Bari. Kooxda Sh. Attom ayaa lagu tilmaamaa in ay xidhidh dhaw la leedahay Ururka Al Shabaab ee ka dagaalama koonfurta wadanka Somalia,

kooxdaas ayaa ku hanjabtay inay qabsandoonaan gobollada Puntland

Isku soo wada duuduubo wuxuu maamulka Puntland marayaa  xaalad qalafsan, iyadoo aanay  muuqan cid u taagan   badbaadinta iyo middaynta   goballada Puntland ayaa lays waydiinayaa  halka ay ku maqan yihiin siyaasiyintii iyo indheer garadkii  reer puntland ee dhidibada u taagay maamulka puntland.

WWW.BUHODLEPOST.COM

EMAILBUHODLENEWS@HOTMAIL.COM

Fikrad Ka Dhiibo