Baaq nabadeed oo ku wajahan collaada Cagaarran by Axmed Takar
qore:Ahmed A.Takar
Anigoo ku hadlaya magacayga iyo kan beesheydaba waxaan jeclahay inaan halkaan baaq nabadeed uga soogudbiyo anigoo usoo marinaya shabakdan caalamiga ee www.buhotlepost.com,beelaha walaalaha iyo deriskaba ah ee dhawan iska-horimadka ku dhexmaray deeganka cagaarre oo ka tirsan maamulka Puntland.
waxan jeclahay inan iraahdo ragii dhintay labada dhinacba rag dambe haka dabageynina ee inta nool utaliya oo badbaadiya ogaadana “colaada wiil baa ku dhintee wiil kuma dhasho” , colka la dumayo iyo
waranka la soofeynayana meel kale u duwa oo nimanyahow tolnimo waa dugsiye dunida jeedaasha.
waxan kaloo jeclahay inaan bogaadiyo dhamaan dadaalada iyo dhex-dhexaadinta ay u guntadeen wax-garadka iyo Cuqaasha reer Puntland ee ay ka dhex wadaan walaalaha wada dhashay ee dirirtu ku dhexmartay degaanka Cagaarre,oo runtii ah waxuu ka xumado qof kastoo xabiib ah oo jecel nabada iyo horumarka degaanakan iyo dadkiisa, isku-dhacan oo farxad galineysa cadowga u miciya-lisanaya burburka iyo baaba’a Puntland .
