Liverpool Oo La Xaraashayo Kadib Markii Ay Iska Bixin-Waayeen Deymo Fara-Badan
Naadiga Liverpool ayaa waxa haysta musiibo kubadeed ,iyadoo kooxda qarka u saaran tahay in heerka koowaad ka dhacdo oo heerka labaad fariisato.
Waxa ay qarka u saaran tahay in lix dhibcood laga xayuubiyo ,iyadoo kooxdaan lagu leyahay dayman is gaar gaaray.
Liverpool ayaa mamulkeda waxa la waregaya ururka kubada cagta ingiriiska haddii 15-bishaan daymaha lagu leeyahay iska bixin.
Maamulka kooxda waqti sii horeeyay oo shalay aheyd waxa ay isla garteen in kooxda la iibiyo si daymaha looga bixiyo.
Kooxdaan oo taariikh ku leh horyaalka ingiriiska iyo kan kooxaha yurub ayaa haatan liiska ugu hooseeya dhanka dhibcaha kala horeynta kooxaha kaga jirta waxa ayna leedahay lix dhibcood.
Iyadoo laga faa’ideysanayo dhibka haysta ayay kooxo badan doonayaan in dhowr cayartoy daaqada kala baxaan .
Kooxda sanadkan lacagaha tirada badan ku bixisay suuqyada kala iibsiga cayaartooyda ee Manchester City ayaa liverpool ka dooneysa weeraryahanka afka hore ee Fernando Torres oo iminka dhaawac uga maqan kooxda .