YAA DHAGAXDHIGAY KACDOONKA HUBAYSAN EE SSC 2010?
YAA DHAGAXDHIGAY KACDOONKA HUBAYSAN EE SSC 2010?
Mudadii dhowr iyo tobanka sano ee Puntland dhisnayd amaba saddexda sano ee dhawrka maalmood
ka dhiman yihiin ee Laascaanood SNM haysatay madax badan oo madaxweynayaal ku xigeeno wasiiro
taliyayaal sar sare oo ciidamada ah iyo wasiiraba, weli lama hayo nin SSC u dhashay oo xil iska saaray
sidii uu caro SSC maamulka uga hirgelinlahaa ama u xoreynlahaa.
Bilowgii sanadka 2010 markii Isimada SSC isugu yimaadeen deegaanada Holhol iyo Buura wadal
waxaa shacabku dareemay kacdoon dadweyne oo horseedikara in dalka la xoreeyo.
Abaabulkaa waxaa hormuud ka noqday wasiirka duulista hawada ee dawlad goboleedka Puntland
Ahmed Cilmi (Garaash), oo la odhankaro isagaa dhagaxdhigay halganka hubaysan, ahmed wuxuu
gacanta ku hayey gadiid badan oo dagaal oo ay lahaayeen beelaha Jaamacsiyaad iyo Naalaya Axmed
, hubkaas oo yaalay magaalada Garowe.
Intaanan wax qabadkii mudane Ahmed ugelin aan wax yar is xusuusino mawqifkii Puntland ka
taagnayd xoreynta SSC xiligaa ilaa maanta, dawlad goboleedka Puntland oo uu hormuud ka yahay
madaxweyneheeda iyo ku xigeenkiisuba waxay amar cad ku bixiyeen in aan wax taageero ah la siin
Karin SSC, waxay kale oo wareegto ka soo saareen in laxidh xidho dhamaan dadka u imanaya xoreynta
SSC iyo in aanay garoomada Puntland ka soo degikarin, wuxuu kaloo maamulku xilalkii ka qaaday
wasiiradii sheegtay in ay taageerayaan kacdoonka xoreynta SSC, waxaa xilkii laga qaaday wasiirkii
beesha cumar maxamud , wasiirkii beesha jaamacsiyaad, wasiirkii beesha bahararsame, xaalkaas
cakiran iyadoo lagu jiro dhamaana raggii loo doortay Hogaanka SSC ay ka baqeen in ay cagaha soo
dhigaan garoomada Puntland, amarna lagu siiyey ciidamada amaanka ee Puntland in aan beeluhu hub
kala bixikarin Garowe, kontoroolka galbeed ee garowena la dhigay baabuur gaashaaman oo ilaalisa
wixii hub ah ee lala baxayo, gaar ahaana waxaa waardiye gaar ah laga hayey hubka jaamacsiyaad iyo
aniga dhaqdhaqaaqayga maadaama aan gaadiidkii dayactiray oo loo laga baqayey in aan hubkaa
saaridoono(xabsiga ayaa laygu tuuray si la iigu caga jugleeyo) waxaa soo baxay saddex kooxood oo
iska soo horjeeda qola walibana doonayso in ay hubkaas gacanta ku dhigaan waxaana hubaal ah in
aan hubka jaamacsiyaad ka bexeen garowe iyadoon dhiig ku daadan saddexda kooxoodba way
hubaysnaayeen dagaal iyo in xoog lasu sheegto bayna arintu ku soo ururtay.
Mudane Ahmed oo ilaa iyo maalintii xilka wasiirnimo loo dhaariyey ku taamayey in uu dhulka SSC
xoreeyo haddii xitaa xilkiisa uu ku waayayo wuxuu si cad ugu sheegay maxaweyaha puntland iyo ku
xigeenkiisaba in xilka waxa uu u qaayatay ay ahayd in uu dalkiisa maqan soo ceshado hadii aan
dawladu ku taageerayna uu isagu u qalabqaadandoono, xanta siyaasada magaalada garowe waxay
noqotay ahmed caawaa la casilayaa iyo isagaa ku horeynaya oo is casilidoona taasi waxay keentay in
lagu dhiciwaayey xilka qaadista Ahmed waayo haddii xil aan hayo iyo haddii kaleba dagaalka
xoreynata waan gelayaa buu si badheedh ah u sheegay( geesi ALLE ma xilo) tiisii bay noqotay,
waxaana hubaal ahayd wadciga markaa yaalay Puntland hadii ahmed la casililahaa oo uu dagagaal
qaadilahaa shacabka Puntland isaga ayey raacilahaayeen( ahmed Puntland shacabkeeda iyo
siyaasiyiinteeduba waxay u yaqaaniin wasiir shaqadiisa ka adag diidayna in dadka Puntland lakala
fanquuqo dastuurkii lagu dhisayna laga beensheego) puntland na intaas baa loo dhistay.
AYAANIBA AYAAN LEHE WAXAA ASTAAN GAAR AH LEH MAALINTII AHMED SIDA OKTOOBARTII
UU DABAALGED KU SOO MARIYREY BADHTAHA GAROWE IYADOO AY DAAWANAYAAN RAGGII
DOONAYEY IN AY HUBKAAS UGACAN GELIYAAN MAAMULKA PUNTLAND, waxay ahayd abaaro
10:30 barqanimo sacabka iyo mashxarada iyo raga hoos u ooyaya iyo kuwa koomada galey, Ahmed
waxa uu sida oktoobartii soo mariyey 12 Gaadhi oo gaashaaman 6 jaamacsiyaad leeyahay iyo 6 Naalaya
ahmed leeyahay, 6dii jaamacsiyaad wuxuu soo taagay Buura wadal garaadkuuna farta ka soo saaray,
6dii Naalaya ahmed wuxuu u geeyey 6 baabuur oo horey u joogaya meesha layiraahdo bixin oo ilma
foorteyn leeyihiin wuxuuna ka codsaday in isku mar hore loowada ruqaansado.
Ilma foorteyn ahmed markii uu sugayey in badan buu ka guuray oo Buura wadal dhinaca galbeed ka
degay, wuxuuna dayactirku bilaabay gaadiidkii Naalaya ahmed intiisii kale, wuxuu abaabulay gudi soo
ururisa hubka iyo raga xoreynta ka qayb gelaya ee Naalaya ahmed ilaa fiqifuliye, uurboogeys, xudun
iyo degaanadakaleba.
Intaa keliya kuma ekayn ee Ahmed wuxuu abaabulay gudiyo si kacdoonka loo mideeyo, goor arintu
meel fiican marayso ahmedna dagaalka cadaystay ayaa waxaa kacdoonkii kala furfuray raggii
hogaanka sida gaarka ah ugu shaqaynayey iyo Garaad Jamac G Ismaaciil( markii habeen madaw uu la
guureeyey hubkii jaamacsiyaad) nugaalna ay yidhaahdeen wax abaabul ahi kama jiraan.
Habeenkii Widh Widh weerarka SNM ku soo maqnaa mudane Ahmed wuxuu hogaaminayey
duulaankii aanu ku doonaynay in aanu ku dhabarjebino SNM oo aanu weerar ku ekayno
Laascaanood.
Wasiirka Ahmed waxaa kale oo uu ku guulaystay in uu degmada xudun iyo dhamaan dhulka nugaasha
iyo sanaag wixii aan Ceerigaabo ahayn inta SSC degto uu ka saaray SNM oo ay maanta xor yihiin.
Waxaa kale oo safkaa ku jiray Rag badan oo muhiim ah oo uu ka mid yahay Co. Cabdi Rashiid oo taliye
u ahaa ciidamada Xasan Ugaas, oo watay ciidan aad badan gaaadiid dagaal oo badana haystay, Co.
Cabdi Rashiid wuxuu kale oo rasaas aad u tiro badan siiyey 8 gaadhi oo jaamacsiyaad leeyahay si ay
Nugaal uga wada dagaal galaan, nasiibdaro Rag aan xoreyn u socon oo wax kale doonaya baa
kacdoonkii SSC ee sanadkan kufsaday maantana arinta xoreynta halkaa soo gaadhsiiyey ee mar hore
baa lagu kala bixi lahaa hadii inta xoreynta doonaysa taladu gacanyta u gelilahayd.