|

MAQAAL:ENG..MAXAMUD CAYDIID:MAXAA ISKU XIDHAY BURBURINTA PUNTLAND IYO XOREYNTA SSC:?

Aan laba u kalaqaadno sida cinwaanka ka muuqata:

Aasaaskii puntland dhulbahante si buuxda buu uga qayb qaatay, udubdhexaadna wuu u ahaa in dhidibada loo taago Puntland.

Maxay ahayd sababta Puntland loo aaasaasay?

Markii Majeerteen Hawiye ka soo quustay Hartiga waqooyina Isaaq ka soo quustay awoodii siyaasaddeed ee Daarood Soomaaliya ku lahaa iyo jiritaankiisiiba qiilqiil galay in badan oo beesha caalamkuna qaadatay ra’yiga ah in Daarood yahay dadka laga tiro badan yahay, meel loo irkado baa loo baahday, sida aad wada xusuusan tihiin shirkii Qaahira 1997 beesha caalamka oo dunida carabtu horseedka tahay waxay taladii dalka u saxeexeen Hawiye , Isaaq, Digil iyo Mirifle, calool adayg waa ILLAAHAY wehelkii saddex oday oo kala ahaa Cabdillaahi Yusuf, Maxamed Adan Gabyow iyo Xasan Abshir ayaa shirkaa ka baxay, maalintaas baa loo qalabqaatay aasaaskii Puntland.

Wax qaybsigii Puntland dhulbahante wuxuu helay 25.75% tirada xildhibaanada Puntand oo guud ahaan ah 66 xildhibaan, wuxuu kale oo dhulbahane had iyo jeer ahaystaa 10 ka mida wasiirada Puntland.

Intii Puntland dhisnayd wuxuu dhulbahante inta badan qabtay jagada madaxweyne ku xigeen, waxaa kale oo jirtay xili uu madaxweynanimada hayey maxamed cabdi xaashi oo dhulbahante ah, waxaa kale oo dhulbahante had iyo jeer haystaa tira badan oo taliye ku xigeenada iyo amaanduulayaasha ciidamada Puntland.

Tanaasulaad waa dhacayaa haddii dad dani ka dhaxayso oo weliba tolnimo wax ku qaybsanayaa wax qaybsanayo, sida 2 kursi oo gobolka Sanaag oo uu ka tanaasulay Dhulbahante.

Hadaba haddii dhulbahante cudud intaa le’eg ku leeyahay puntland xaggee buu ku lumay sedka shacabka SSC had iyo jeer ka cawdaa?

Su’aashaas in taynaan ka jawaabin aan wax yar taariikhda dib u noqono, xiligii dalku burburay dagaalo sokeeye baa ka dhacay mudug, Nugaal iyo Sanaag, nasiib wanaag dhulka dhamaan waa la difaacay waxaan ka ahayn Ceerigaabo oo saddex qabiil wada deganaayeen, waxaa intaa raacda dhulbahante wuxuu bilaabay inuu uka la dhuuha dhuuheeyo Isaaq oo waxaa la helay rag dhulbahante ah oo doonaya in ay Isaaq noqdaan, taa dhigeeda majeerteen iyo daaroodka kale ee mudug way ku fara adaygeen difaaca mudug inkasta oo aan loo kale hadhin difaaca mudug oo laga wada qayb qaatay hadana lama helin rag Majeerteen ah ama Daroodka kale ee mudug oo doonaya in ay Hawiye noqdaan.

Aan dib u jaleecno jawaabta su’aashii hore maadaama aynu is xusuusinay ceebaha gaarka ah ee dan dhulbahante ku luntay, madaxdii faraha badnayd ee dhulbahante ee xilalka ka soo qabtay puntland waxay awood u yeelanwaayeen in ay hantaan talada dhulkooda maamulkana gaadhsiiyaan,taas macneheedu waxaa weeye maamulka Puntland ee intaas oo sano jiray magaadhin caro SSC,haddii aan maamul jirina wax horumar ahi madhici karo khayraadka dalkana dadkii SSC way ka qadeen xitaa kaalmadii deeqaha caalamiga ah iyo hayadaha, nidaamkii cashuurahaa hirgeliwaayey Dawladihii hoose baaladhisi kari waayey, waxaa degmooyinkii SSC oo caasimadii Laascaanood ku jirto Puntland u soo magacaabijirtay badhasaab iyo taliye Police iyo madaxda laamaha kale ee la mid ah jagooyinkaasi waxay noqdeen kuwo lacag iyo mushahar uun lagu qaato ee aan lahayn maamul u shaqeeya sida degaanada kale ee Puntland, taasi waxay shahashay in iyaga iyo ku wii u dhuuha dhuuhaynayey Isaaqa lakala garan waayo oo Laascaanood laba calan oo Somalidiid iyo Somaliya ah lagakala taago, malaha waxaad odhanlahaydeen maxaa sidii Dhuudo Cismaan Maxamuud loogu laayey markii ay doonayeen inay talada Puntland xoog kula wareegaan kuwa Dhulbahante ee Isaaq ukala dhuuha dhuuhaynaya maxaa birta looga wada asliwaayey? Waxay u dhici wayday waxaa kabilawday Dhulbahanye dhexdiisa qaar doonaya inay Majeerteen noqdaan oo is yidhi sedkii aad haddii Dhulbahante wax qaybsado ka helilahaydeen iyo ka badanba waad haysataane dhulka Dhulbahante ha maqnaado iyo musuqmaasub iyo nin jeclysi dantii guudna waa la ilaaway,waxaa bilawaday in reeraha qaar gaar loo riixo, oo Dhulbahante Puntland dhexdeeda isgarbiyey. Sidoo kale takrifal awoodeed iyo in sixun loo isticmaalay taladii Puntland ee lawada samaystay ayaa horseeday in waxyaabahaas oo dhani dhacaan.

Xiligii dalku burburay reero khaas ah baa si buuxda xil isaga saaray in ay Dhulbahante difaacaan cadawgana afsaar uga ahaadaan, iyadoo arintu halkaas marayso ayaa Dhulbanate Puntland wax kasamaystay, xilkii ilaalinta dalku wuxuu ku wareegay maamulkii Dhulbahante wax kasamaystay dhulbahante shacab waynihiisa iyo reerihii sida gaarka ah isugu xilqaamay in ay dalka daafacaan qoryohoodii way iska tiiriyeen xilkiina waxaa qaaday maamulkii cusbaa ee lawada samaystay.

Ceebteediina waxaa qaatay Maxamed Cabdi Xaashi oo isaga oo madaxweyne ah ilaaladii iyo bartii cashuuraha ee Guumays inta uu soo raray Laascaanood gudeheeda soo geliyey cadowgii iyo ragii doonayey in ay Isaaq noqdaana waa soo dabagaleen, Maxamed cabdi Xaashi iyo Cabdillaahi Yusuf baa u horeeya oo loo haystaa in ay beesha caalamka ka soo dhicinwaayeen kaalmadii hayadaha ee SSC xuduudihiina sugiwaayeen.

Maxamed Cabdi Xaashi:

Inta aanu godka lagelin denbiga uu ka galay dadka iyo dalka SSC saamaxaad haka waydiisto, maxamed wuxuu Cabdillaahi Yusuf la ogaa in deeqdii hayadaha caalamku siinlahaayeen SSC in la soo mariyey Somalidiidka, sababta ay ku dhacdayna waxay ahayd hayadaha caalamiga ah baa u sheegay Cigaal in ay SSC wexeeda gaar u siindoonaan ama Puntland u soo marindoonaan, cigaal wuxuu ku jawaabay in ay dhulkiisa dhamaan hayaduhu ka baxaan, deetana hayadihii waxay u sheegteen xaalada soo foodsaartay oday Cabdillaahi Yusuf wuxuuna ku dhexdhexaadiyey in cigaal daayo hayadaha qismigii SSC na uu qaato anagaa taayada wax ka siinaynee.

Maxamed cabdi xaashi wuxuu maanta ka mid yahay dadka la qool jeexay kooxdii Nairobi isimada qaarna ku tilmaamay XAARAAN waraysi maqal ah oo uu bixiyey.

Isku soo wada xooriyoo saddex arimood baa muhiim ah in lawada fahmo:

1-ilaalinta xuduudaha iyo difaaca dhulka SSC waa waajibaad saaran maamulka Puntland ee Dhulbahante ka mid yahay.

2-Maamuladii kaladanbeeyey ee Puntlnad way ka gaabiyeen in ay soo celiyaan dalka maamulka dhigooda ahi ku habsaday.

3-Madaxdii Dhulbahnte ee kaladanbaysay ee maamulka Puntland ka mid noqotay waxay gabeen kaalintoodii denbiga ugu wayna iyagaa leh haddii cid loo dudayo ama lagu xisaabtami doono sababaha dalku u lumay.

MAXAA LA GUDBOON SHACABKA SSC MAANTA?

Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa geel jire Geela waa wada jitaa waana kala jirtaa, gaadhsiinta maamulka, horumarinta, sugida amaanka iyo xuduudaha dalkuba waxay ahayd waajib gaar u saaran madaxda Dhulbahante ee maamulka kamidnoqotay.

Shacabka SSC waxaa maanta lagudboon laba arimood

1-in aan laysku xidhin xoreynta SSC iyo jiritaanka Puntland

2-in shacabka SSC ay ka jibo keenaan kacdoonka dalkii lagu soo celinayo

Dhulka marka la xoreeyo taladiisu waxay u taalaa waxgaradka SSC oo dhan hadii Dhulbahane Puntland ka go’ayo iyo haddii kale mana aha arin u taal koox gaar ah iyo isimo gaar ah toona, aan gaadhno maalinta Dhulbahane Isaaq dagaal lagalo ee Majeerteen ama Daaroodka kale ee Puntland u soo hiilinwaayaan haddii hulaab xumada raga qaar ka muuqataa ay intaa tahay ee aan wax kale jirin

Dhulbahante xoog uu isku xoreeyo mawaayin ee wuxuu xabada u quudhiwaayey kuwa doonaya in ay isaaq noqdaan ee ukala dhuuha dhuuhaynaya sandareerada lagu siiyo iibsiga nasabnimadooda.

PUNTLAND MAANTA IYADAA BADBAADIN U BAAHAN:

Puntland xukunkeedii waxaa ku habsaday laba kooxood:

A-koox majeerteen ah oo aaminsan saddex gobol oo majeeteeniya ah in Puntland tahay.

B-koox Dhulbahante ah oo dhamaan Somaliland ka soo hayaantay welina xidhiidh dhow la leh ragii doonayey in ay Isaaq noqdaan ee ay hargeysa kaga yimaadeen.

Labada kooxood ee aan soo sheegay xabada u quudhimaayaan walaalohood ee waa in kacdoonka shacabka SSC ee maanta socda tubta toosan lagu hago ee xoriyad doonka ah lagana wareejiyo kuwa ku taamaya in ay Harti iyo SSC ba qaybiyaan, kacdoonkaas uun bay ka soo bixikartaa rag xabada u quudhaya calooshood u shaqaystayaasha doonaya in ay isaaq noqdaan.

Baahidii Puntland loo dhisay weli way taagantahay ilaa la helo dawlad Soomaaliyeed oo kafaalaqaada talada dalka dadka Soomaaliyeed waa reero, SSC na waxay ka mid tahay reeraha dhistay Puntland, wayna ka mid ahaandoontaa ilaa waxgaradka SSC go’aan ay u midaysanyihiin ka gaadhaan.

Waxaanse u sheegilahaa kuwa ay dabada ka riixayaan kuwa ku taama Harti iyo Dhulbhane halakala gooyo woqooyinimo baynu Soomaaliya wax kula qaybsanaynaaye, maalinta Harti lawaayo Daaroodna waa la waayayaa, haddii Daarood lawaayana Soomaali waa la waayayaa hadaba raga burburka Puntland ka horeysiinaya xoreynta SSC waxaan waydiinayaa in ay sheegaan meesha SSC keligeed ku noolaankarto haddii intaas oo dhan lawaayo?(way fiicnaan lahayd kuwa woqooyinimada ka sheekeeya haddii ay jirto cid Soomaalinimo doonaysa oo wax lala qaybsadaa si siman ee aan ahayn waad nagu khasbantihiin).

Waxaan ku soo gebogebaynayaa kuwa yidhaahda Majeerteen naf inooma hayo ha ogaadeen in aan siyaasada cidi caano isugu lisin, majeerteen dantiisii waa ilaashaday inana danteeniina waa dayacnay rag kalena waynu ku canaananaa, madaxweynayaasha Puntland soo maray dhamaan codka ay ku soo bexeen waa 17 xildhibaan ee SSC u dhashay, war mindida daabkeeda markaad haysaan hadaad codkiinu meel uu wax idiinka tarikaro aad ku bixinwaydeen soo idinku gacantood isku gawrac manoqonin.

kuwa maanta yidhaahada Puntland baanu ka baxnay, Puntland cid kama saarikaraan hadalkooduna kama duwana hadal dhaanwade dheel dheel carruureed iyo dhawdhawley warkeed dhulkana waa la xoreyn

Guul iyo Gobanimo

Maxamud Caydiid Dirir

London

WWW.BUHODLEPOST.COM

email buhodlenews@hotmail.com

Fikrad Ka Dhiibo