|

Daqliga Beckham Oo Hoos U Dhacay

Daqliga David Beckham ka soo gali jiray shirkadaha uu u sameeyo xayeeysiinta ayaa 10 boqolkiiba hoos u dhacay sanadkaan xilli uu doonayo inuu noqdo ciyaaryahanka ugu safashada badan xulka England.

Jaantuskiisa ugu danbeeyay ee la soo saaray ayaa muujinaya xiddiga Los Angeles Galaxy uu helay 9.03 million pounds ($14.6 million) sanadkii 2009 taasoo uu ka helay shirkadiisa Footwork Productions, oo ah halka loo soo marsiiyo jeegaga daqligiisa uu ka helo shirkadaha uu xayeeysiinta u sameeyo oo ay ku jirto Adidas.

2008, Beckham wuxuu daqli ahaan u soo galay 9.97 million pounds, sida ay leeyihiin shirkadaha account-kiisa buuxiyay gaar ahaan shirkadaha uu wax sameeyo.

Markaasi wuxuu daqligiisa hoos u dhacay 11.4 million pounds 2009 kaasoo ahaa 12.1 million pounds.

35-sano jirkaan wuxuu dagaal badan ugu jiraa sidii uu u ilaalin lahaa doorkiisa ah inuu garoomada k/cagta uu ka sii ciyaaro oo uu sii ahaado ciyaaryahan caan ah.

Macalinka England Fabio Capello ayaa horey u sheegay in mustaqbalka Beckham ee ciyaaraha caalamiga ah uu ku dhamaaday 115 kulan. Captain-kii hore wuxuu jabiyay record xaga safashada ee xulkisia bishii March 2009 laakiin rajadiisii aheyd inuu markii 4aad ka qeygalo koobkii aduunka ee sanadkaan ayaa waxaa u diiday dhaawacyo daran oo anqowga ka soo gaaray.

Beckham, hada wuxuu u ciyaaraa Galaxy markii uu kaga yimid Real Madrid 2007 isagoo saxiixay xilligaasi 5 sano oo heshiis ah, wuxuuna todobaadkii dhawaa dhaliyay goolkiisii ugu horeeyay mud hal sano ka ku dhawaad ah ciyaartii ay 2-1 kooxdiisu kaga adkaatay Chivas U

WWW.BUHODLEPOST SPORTS

Fikrad Ka Dhiibo