|

WAFTI UU HAGOOMINAYO SHARIIF OO KUSOO LABTAY CAASIAMDA SOMALIA EE MUQDISHO

Madaxwaynaha dowlada KMG Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho.

Madaxwaynaha iyo waFTIdigiisa ayaa waxa ay ka soo dageen garoonka diyaaraha ee Adan Cade International Airport ee magaalada Muqdisho, waxaana si aad ah u soo dhowyay masuuliyiin ka tirsan dowlada KMG Soomaaliya.

Ka hor inta uusan soo dagin madaxwaynaha dowlada KMG Soomaaliya iyo waliba wafdi uu hogaaminaya ayaa waxaa si aad ah u adkeeyay amaanka ciidamada dowlada KMG Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.

Madaxwaynaha dowlada KMG ayaa waxa uu ka qayb galay Shirkii wadamada Jaamacada Carabka ee lagu qabtay magaalada Sirta ee wadanka Libiya.

Sheekh Shriif Sheekh Axmed madaxwaynaha DKMG ayaa waxaa looga fadhiyaa in uu soo magacaabo Raysal wasaare Cusub. WAXAA SOCDALKAN KU WEHELIYA MADAXWEYNAHA QAAR KAMADA XUBNAHA AAD LOO HADAL HAYO JAGADA RAIISUL WASARAHA DALKA IN LOO MAGABIDOONO ]

WWW.BUHODLEPOST

Fikrad Ka Dhiibo