|

weftigii nabad radinta cagare oo dib ugu soo laabtay buhodle

Wef tigan oo isugu jira isimo culimo awdiin iyo cuqaal ayaal ayaa waxay  horaantii todobaadkan howlo nabadayn ah ugu amaba bexeen beelaha deriska ah ee baryahan dambe isku hayey degaanka cagaare ,

 

Waftigan oo uu hogaaminayey garaad cabdilaahi garaad soofe ayaa waxay xalay soo gaadheen magalada buhodle,waxayna ka dayriyeen xaalada colaadeed ee ka taagan degaanka cagaare iyaga oo ugu baaqay nabad inay qaataan,

Waxaan wali suura gelin  dhex dhexaadin ay wadeen  wufuud kala duwan oo ka kala yimid puntland iyo wax garad kale oo iskood isu xilqaamay  ka dib markii ay diideen beesha bahararsame inayan xiligan gelayn wax wada hadal ah   madama  shir u bilowday ayna sii wadan doonaan shirarkooda ilaa mudo laba bilood ah,

 

Waxaa in dhawayd  ka jiray degaanka cagaare colaad u dhexaysa laba beelood oo walaalo ah isla markaana wada degan  waxaana ku dhintay colaadaas dad badan oo ka tirsan labada dhinac  intaa waxaa u sii dheer  barakac iyo cabsi joogto ah oo soo kala dhex gashay  beeleelihii ood wadaagta ahaa isla markaana wada  joogay miyi iyo magaalaba,

Waxaa wali jira ciidan urursi labada dhinac ba ah  inkasta oo ay wali iyaguna jiraan gudiyo  nabadoon ah oo isu diyaarinaya inay joojiyaan colaadaas iyo dhiiga dadka wada dhashay ee daadanaya,

Waxaynu leenahay allah ha qaboojiyo

WWW.BUHODLEPOST.COM

Fikrad Ka Dhiibo