Raysalwasaraha somaliya oo loo magacabay Mohamed C/lahi Mohamed (Farmajo)
M/weynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa galabta magacaabay ra`iisal wasaaraha cusub ee Soomaaliya, iyadoona ay magacaabistani ka dhacday xarunta madaxtooyada ee Villa Soomaaliya.
Xilkan ayaa waxaa loo magacaabay mudane Maxamed C/llaahi Maxamed “Farmaajo” .
R/wasaaraha cusub wuxuu ku dhashay magaalada Muqdisho sanadkii 1962, wuxuuna waxbarashadiisa hoose uga baxay dugsiga 1-da Luuliyo iyadoona dugsiga dhexena uga baxay Maxamuud Xarbi ee magaalada Muqdisho.

Magacaabista kadib ayaa waxaa uu ra`iisal wasaaraha cusub ka jeediyay goobta hadal kooban, waxaana uu sheegay in uu sida ugu dhaqsiyaha badan kusoo dhisi doono xukuumad cusub oo tayo leh taasoo wax ka qabata marxalada dalka.
Mr. Farmaajo ayaa in mudo ah ku sugnaa dalka Mareykanka, waxna kusoo bartay isagoona shaqooyin kala duwan kasoo qabtay halkaasi.
Waxa uu soo bartay islamarkaana ku takhasuusay cilmiga siyaasadda, xiriirka aduunka, dhaqaalaha, xuquuqda aadanaha, baadigoobka nabadda iyo horumarinta dadweynaha.

Tacliinta sare ee ilaa heerka jaamacadeed ayaa waxaa uu ku qaatay dalka Mareykanka, iyadoona uu ka baxay jaamacadda loo yaqaan (State University of New York), taasoo ku taal magaalada Buffalo .
Kadib waxbarashada waxa uu jagooyin sar-sare uu ka qabtay New York, gaar ahaan dowladda hoose ee deegaanka Buffalo isagoona shaqooyin kala duwan kasoo qabtay halkaasi.
buhodle post.com