C/ shugri cali xirsi oo la wareegey gacan ku haynta degmada cadaado ee gobolka galguduud
Wararka ka imanaya deganka galguduud ee badhtamaha Somalia ayaa sheegaya in saaka barqa nimadii dagaalka dhacay degmada cadaado ka dib markii ay weerar ku qaadeen ciidan uu hogaaminayo cabdi shugri cali xirsi oo sheegta inuu ka tirsan yahay ahlusuna waljameeca,
Dagaalkan oo samayn ku yeeshay isu socodka iyo xasiloonida deegaanka cadaado ayaa ugu dambayn waxaa awood kula wareegay ciidankii dulanka soo qaaday iyaga oo gebi ahaan ka saaray ciidamadii horay u joogay ee maamulayey mudo dheer kuwaas oo hoos taga maamulka ximan iyo xeeb,
cabdi shugri cali xirsi waa xubin ka tirsan hogaamiye kooxeed yadii hubaysnaa ee muqdisho ee ay maxaa kiimtu awoodooda wiiqeen ka dibna wuxuu ka mid ahaa aas aasayaashii is bahaysigii argagixiso la dirirka,
cabdi shugri hada waa xubin firfircoon oo ka tirsan culimo awdiinka ahlusuna waljameca taas oo muujinaysa in cidkasta oo Alshabaab ka soo horjeeda ay noqon karto ahlusuna waljameca balse aan lagu xidhayn wax kale oo shuruud ah,
buhodlepost