|

WAR DAG DAG AH XOOGAGA XARAKATUL MUJAAHIDIIN ALLSHABAB OO LA WAREEGAY DAGMADA DHUUSO MAREEB

Warar daqiiqado ka-hor soo gaaray Webka Caalamiga ee buhodlepost  ayaa sheegaya in Xoogagga Xarrakada Al-shabaab la wareegeen gacan ku heynta degmada Dhuusa-mareeb ee goballka Galgaduud oo ka mid aheyddegmooyinka ay sida weyn ugu xooganaayeen Culima’udiinka Ahlu Sunna Waljameeca.

Xoogagga Xarrakada Al-shabaab ayaa weerar ku soo qaaday degmada Dhuusa-mareen wax yar uun kadib markii uu soo baxay warka u saabsan in Ahlu Sunna Waljameeca la wareegeen gacan ku heynta degmada Cadaado ooka mid aheyd goobaha uu ka jiro  maamulka Ximin iyo Xeeb, waxaana wararku intaa ku darrayaan gudaha degmada dagaal kulul ku dhaxmaray labada dhinac.

Sidoo kale waxaa u suurtagashay Xoogagga Xarrakada Al-shabaab in ay la wareegaan gacan ku heynta degaanka Mareer-gur ee duleedka degmada Dhuusa-mareeb, oo markii hore ay ganacanta ku hayeen Culima’udiinkaAhlu Sunna Waljameeca.

Ilaa hadda dhab ahaan looma oga khasaaraha ka dhashay dagaalka ka dhacay degmada Dhuusa-mareeb, laakiin waxaa wararku ay sheegayaan in ay jirto khasaare isugu jira dhamasho iyo dhaawac soo kala gaaray
dhinacyada dagaallamay, sidoo kale ilaa hadda waxaa jiray wax war ah oo ka soo baxay saraakiishalabada dhinac.

WWW.BUHODLEPOST.COM

Fikrad Ka Dhiibo