|

Bare Hiiraale Oo La Wareegay Buulo-Xaawo (Dagaal-Oogahan Ayaa Hogaaminaya Ciidamo U Badan Beeshiisa)

Wararka ka imaanaya Degmada Baladxaawo ayaa sheegaya  in Ciidamo uu Hogaaminaayo  Xildhibaan Bare Aadan Shire (Bare Hiiraale) inay  daqiiqado ka hor la wareegeen gacan ku haynta Degmada Baladxaawo ee Gobolka Geddo,ciidamadan ayaa waxaa maal-gelinaya Shirkad Sirdoonka Mareykanka hoos-tagto oo lagu magacaabo (Black-Water)

Dagaalka ayaa la sheegayaa in Ciidamo ka soo jeeda Beesha Mareexaan ay si toos ah kula wareegaan Magaaladaasi oo ay horay uga talin jireen  Al-Shabaab, iyadoo ciidamada Dowladda uu horkacaayo Barre Hiiraalle.

Ciidamada Dowladda KMG ah ayaa la sheegayaa inay yihiin kuwo feejigan, islamarkaana waxaa la sheegayaa inay dadka ku dhahayaan qof waliba gurigiisa ha ku sugnaado, iyadoo dagaalkaasi la sheegay inay ku dhinteen ilaa lix ruux oo labada dhinac ay ku jiraan.

Dagaalka ayaa la sheegay in Ciidamada Dowladda KMG ah ay ka soo weerar tageen Degmada Doolow, iyadoo haatan gacan ku haynta degmadaasi ay si buuxda gacanta ugu hayaan Ciidamada Dowladda KMG ah.

WWW.BUHODLEPOST.COM

Fikrad Ka Dhiibo