|

DAGAAL XOOAGN OO GALABTA KA QARXAY GOBOLKA BAKOOL

Wararka naga soo gaaraya degaanka Rabdhuure ee gobolka Bakool ayaa sheegaya in dagaal xoogan oo u dhexeeya ciidamada dowlada ku meel gaarka Soomaaliya iyo kuwa Xarakada Mujaahidiinta Shabaab uu ka qarxay galabta degaankaasi.

Dagaalkan oo bilawday xilli galabnimadii ah ayaa la soo sheegayaa inuu illaa haatan socdo, waxaana wararka degaanka laga helayo ay sheegayaan in dhinacyada ay isu adeegsanayaan hubka culus.

Dagaalkan ayaa qarxay ka dib markii ciidamo ka tirsan kuwa dowlada ku meel gaarka oo ku sugnaa degmada Yeed oo ka tirsan gobolka Bakool ay weerar ku soo qaadeen Radhuure oo fariisin ay ku lahaayeen Xarakada Shabaab.

Dagaalka xoogiisa ayaa ka bilawday degaanka Balliga oo qiyaastii 12-KM dhinaca koonfureed ka xiga Rabdhuure, waxaana weerarka ciidamada dowlada ay soo qaadeen ka hortegey ciidamada Shabaab.

Ma jirto wax war ah oo laga helayo saraakiisha labada dhinac ee dagaalkan uu u dhexeeyo hase ahaatee dad ka madax banaan labada dhinac ayaa ku waramay inay arkayeen gurmad ciidan iyo gaadiid dagaal oo ku sii jeeda jiida dagaalka.

Ciidamada dowlada ku meel gaarka oo degaan ahaan ka soo jeea gobolada Bay iyo Bakool ayaa mudooyinkanba fariisin ku lahaa degmada Yeed halkaasi oo la sheegayo inay tababaro iyo hub kaga heli jireen xukuumada Ethiopia.

Dagaalkan ka qarxay galabta gobolka Bakool ayaa daba jooga dagaal maanta ciidamada dowlada Soomaaliya ku qabsadeen degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo. Sidoo kale dagaal kale oo u dhexeeya labada dhinac ayaa maalmo ka hor ka dhacay duleedka magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.

WWW.BUHODLEPOST.COM

EMAILBUHODLENEWS@HOTMAIL.COM

Fikrad Ka Dhiibo