|

FARRIIN KUSOCOTA MUDANE “FARMAAJO” QALINKII: AHMED ADAM TAKAR takar77@hotmail.com

duceysane walaalkayow
dalkii somaliya ahaa
adoo da,yar baad kaduushay
dowlad iyo kala-dambeyna
duqii kama ay dambeynin

facaa wuxuu duunyo boobay
asaagaa dad soo gumaaday
adigu waad isaga durugtay
dadaalkii aad gashana
ilaah kuuguma darnaan
oo diktoor baad maanta gaadhey

adigoo dibadaha ku nool
hadaad dalkaaga usoo hilowday
ama aad dooratoo jeclaatay
ducaan kuu hibeynay geesi

xilka lagula soo doontay
hadii aadan diidine jeclaatay
bal dardaarankeyga dhageyso

dowlada aad soo dhisayso
wasiiradaad dooraneyso
digil iyo mirif ha u bateen
daarood iyo hawiye iska ilaali
isaaqna danba ha u galin

danyare yaan lagugu xaman
daqliga kusoo galana
barlamaanka diyaar ula ahaaw

labo shariif daacad u ahaaw
itoobiya duruus ka qaado
dibadaha inaad wareegtiyo
diyaaradda haba ka degin

damane yaan lagugu xaman
danyartiyo maatadana
weligaa diirkaagu yuu u nixin
duqeyntana ugu dadaal

ha diidine amarka raac
tolkaaga nafta u hibee

ahlu-suna derbi adag ka dhigo
digriga weligaa ogoow

al-shabaab ma duceysanee
madfaca daran-doorigiyo
dabaabadka AMISOM ku dalab .

ha diidine amarka raac
labo shariif daacad u ahoow
itoobiya daacad u ahoow
ugandha daacad u ahoow

ha diidine amarka raac
amisom daacad u ahoow
igad daacad u ahoow
arab leage caadac u ahoow

ha diidine amarka raac
midowga yurub dacad u ahoow
u.n ka daacad u ahoow
………? daacad u ahoow
………? daacad u ahaaw
WWW.BUHODLEPOST.COM

EMAILBUHODLENEWS@HOTMAIL.COM

Fikrad Ka Dhiibo