|

Madrid Oo U Awood Sheegatay Milan IyoAjax Oo Dhibcihii Ka Qaadatay Auxerre

gool  oo ay kala dhaliyeen Cristiano Ronaldo iyo Ozil ayeey Real Madrid ku qabatay hogaanka Group G markii ay 2-0 ay kaga farxalatay AC Milan markii ay xalay isku arkeen kulankii ugu adkaa ee ka dhacay Champions League .

Ronaldo ayaa goolka 1aad ku daahfuray daqiiqadii 13aad kaasoo ahaa laad xor ah, daqiiqad kadib waxaa 2-0 ka dhigay ciyaarta ka dhigay Mesut Oezil.

Kooxda 9-ka mar heysata tartanka champion Madrid waxey sidaan ku aruursatay 9 dhibcood markii ay heshay guushii 3aad oo isku xigta , halka  Milan ay 4 dhibcood ka leedahay.

Goolhayaha Real isla markaana ah captain-ka  Iker Casillas ayaa saftay kulankiisii 104aad ee tartanka Champions League wuxuu record-kaasi kala wareegay goolhayihii hore ee Bayern Munich Oliver Kahn , Iker wuxuu jiraa 29 sano walina wuxuu heystaa waqti uu record kale ku sii dhigi karo.

Kooxda reer talyaani waxey ku ciyaareysay 4-3-3 iyadoo 3 difaac oo khadka dhexe ah ciyaareysay halka Real ay ciyaareysay 4-2-1-2-1 iyadoo Mourinho uu baal ka ciyaarsiiyay kubad sameeye Ozil oo uu wehliyo Ronaldo iyo Angel di Maria oo caawinayay Gonzalo Higuain.

Ajax oo dhibcihii ka qaadatay Auxerre

WWW.BUHODLEPOST SPORTS

Fikrad Ka Dhiibo