|

Haweeney Barazil M/weyne ka noqotay taariikhda markii ugu horeysay Dalkaas

Dilma Rousseff ayaa noqoyesa Madaxweynaha dalka Brazil, waana haweeneydii u horeysey ee dalkaaas madaxweyne ka noqota. Dilma ayaa heshay 56% boqolkiiba codadkii la dhiibtey waxayna kaga adkaatey doorashadii halkaas ka dhacdey duqii hore ee magaalada São Paulo Jose Serra.

Dilma waa haweenay 62 sano jir ah, waxaana ay ka tirsanayd xisbigii madaxweynihii iyada ka horeeyey Lula da Silva, waana xisbiga Shaqaalaha.

Madaxweynaha hadda xilka ka degaaya Lulada Silva ayaa garab istaagey marwo Dilma si ay ugu guuleysato xilka madaxweynaha dalka Brazil maadaama isaga (Lula) aanu sharcigu u saamaxayn in uu mar saddexaad xilkaas u tartamo.

Khudbadii ay jeedisey guusheeda ka dib ayey sheegtay in shaqada ugu muhimsan ee ay qaban doonto ay tahay sidii ay 20 milyan oo qof oo u dhashey dalka Brazil ay uga saari lahayd fakhriga ay ku jiraan.

Dilma Rousseff ayaa horey u soo noqotey wasiirka tamarta ee dalka Brazil, waxaana ay ahayd gacanta midig ee madaxweynaha hadda xilka ka degaaya Lula da Silva.

Dalka Brazil ayaa marti gelin doona cayaaraha aduunka ee kubadda cagta sanadka 2014, sidoo kale waxaa uu marti gelin doonaa cayaaraha Olympics sanadka 2016, waxaana muddooyinkii danbe ka dhacaayey falal liddi ku ah amaanka kuwaas oo calamaad su’aal la dulsaarey sida uu noqon doono amaanku xiliga cayaaraha adduunka

Fikrad Ka Dhiibo