|

Issimada iyo Cuqaasha Gobalka Cayn oo warmurtiyeed ka soo saaray shirka maamulka Nabadiidka waqooyiga galbeed Somalia iyo Jifida Guuleed Garaad oo ka socda tuulada widhwidh

waxaa manta war mutiyeed soo saray isimadada gobolka Cayn  waxayna cadeeyeen

mowqafkooda ku adan shirka widhwidh iyo dhamanba arimaha ssc isImada baaqan ku

saxeeaxn  ayaa waxay kala yahiin (1) Garaad C/laahi Garaad Soofe (2) Suldaan Siciid Cismaan Cali(3) Garaad Saleebaan Buraale Aadan.

waxayna  soo sareen Issimadu baaq ka kooban dhawr qodob oo ay ugu horayso shirka widhwidh iyo mowqifka ay ka taaganyihiin waxayna u qoran yihiin sidan

(1) shirka widhwidh kama qayb gali doonan Issimada gobolka Cayn  shirkana kuma haboona

waqtigan  in qaab kaa loo shirloola galo maamulka somalidiidka iyadoo loo marayo jifiyo

(2) Issimadu waxay dhaliil u soo jeedinayaan beesha reer Qoorludud iyo maamulka Somaliland oo baraago ka qodaya  deegaanka kalshaale waxayna u arkaan duulan badheedh ah waxayna ugu baaqayaan beesha habarjeclo in ka laabato gardaradaa qaawan  ee dhulboodka ah inta aan la galin dagaal qabiil oo dib uga qarxa beelaha waqooyiga Somalia


(3) Issimadu waxay cadeeyeen inay tageersan yahiin diyaarna u yahiin wado kasta oo lagu heli

karo tolo midaysan oo ka dhex dhalata umada SSC  waxayns carabaabeen  inay arimaha Siyaasada u daba fadhiisandoonaan Siyaasiinta  lagu aamini karo talada beesha iyana ay wixi dhaqan ah ku e kaan doonan.

(4) waxay cadeeyeen Issimadu in ay diyaar u yihiin in dibloo habeeyo howlaha Siyaasada SSC maadaama uu fashilmay qorshihii kooxda Nairobi,dibna loo aasaaso qorshe waxku ool ah oo midaynaya bulshada SSC.

Xafiiska warqabadka  Malaysia ee Buhodlepost.com



Fikrad Ka Dhiibo