Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo maanta lagu dhaariyay Madaxtooyada iyo Madaxweyne Sheekh Shariif oo ka hadlay dhaarinta
Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo maanta lagu dhaariyay Madaxtooyada iyo Madaxweyne Sheekh Shariif oo ka hadlay dhaarinta
Isniin, 01 November, 2010 (HOL) – Xaflad maanta ka dhacday madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu dhaariyay Ra’iisul wasaare Maxamed C/llaahi Maxamed (Farmaajo) oo shalay la ansixiyay, waxaana xalfaddaas goobjoog ka ahaa madaxweyne Sheeh Shariif, guddoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan, wasiirradii hore iyo xildhibaannada baarlamaanka.
“Waxaan ku dhaaranayaa, magaca Eebbe inaan u guto xilkeyga si daacad ah, oo danta dadka iyo dalka ay ku jirto, dhowrana axdiga Qaranka iyo shuruucda kale ee jamhuuriyadda Soomaaliya” ayuu yiri ra’iisul wasaaraha Maxamed C/llaahi oo uu dhaariyay guddoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan.
Ra’iisul wasaaraha oo ka hadlay goobta, ayaa sheegay inuu ku shaqeynayo sharciyada, isagoo ka dalbaday xildhibaannada iyo wasiirradii kulanka kasoo qaybgalay inay gacan ku siiyaan sidii uu u gudan lahaa xilka loo magacaabay, wuxuuna ka mahadceliyay codadkii lagu ansixiyay.
Guddoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan oo isaguna ka hadlay xafladda, ayaa sheegay inay la shaqeyn doonaan ra’iisul wasaaraha Soomaaliya sida uu ka codsaday, isagoo sheegay in loo baahan yahay in si wadajir ah loo shaqeeyo si dalka looga saari lahaa dhibaatada.
Xildhibaan C/waaxid Cumar Cilmi (Goonjeex) oo ahaa sii-hayaha xilkii ra’iisul wasaaraha, oo isaguna ka hadlay goobta ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan ra’iisul wasaaraha cusub, isagoo tafaasiil ka bixiyay aqoonta uu u leeyahay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.
Madaxweyne Sheekh Shariif, oo isaguna ka hadlay xafladda ayaa sheegay in looga baahan yahay ra’iisul wasaaraha inuu soo dhiso dowlad tayo leh, taasoo dalka ka saarta dhibaatada uu ku jiro.
“Shaki kuma jiro in dalka uu u baahan yahay isbadal, innagoo aan eedda saarayn mas’uuliyiintii hore waxaa loo baahan yahay in wax laga qabto dalka,. Ra’iisul wasaaraha waa inuu la yimaado aqoon, hufnaan, karti, uuna soo magacaabo dad aqoon leh oo wax ka qaban kara dalka,” ayuu yiri Sheekh Shariif
Madaxweynuhu, wuxuu sheegay in Soomaaliya ay haysato fursad aan la dayici karin, isagoo xusay in loo baahan yahay in laga faa’iideysto, isagoo xildhibaananda ugu baaqay inay la shaqeeyaan xukuumadda cusub ayna codka kalsoonida ah siiyaan, iyagoo la xisaabtamaya.
Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo uu madaxweyne Sheekh Shariif soo magacaabay bishii hore, ayay xildhibaannada baarlamaanku ku ansixiyeen codad gaaraya 297-mudane, iyadoo ay diideen 92-mudane, waxaana xukuumadda uu soo dhisayo la filayaa in la horgeeyo baarlamaanka si ay u ansixiyaan