Warmurtiyeed:- Sida aan la socono, xaaladda ka jirtaa gudaha SSC waa mid muruuga leh. Iska daa dal la xoreeyo, ee intii soo hadhay ayaa..
armurtiyeed:- Sida aan la socono, xaaladda ka jirtaa gudaha SSC waa mid muruuga leh. Iska daa dal la xoreeyo, ee intii soo hadhay ayaa..
miliishiyada Somaliland ama beelaheedu qabsanaysaan oo haatan berkedo ka qodonayaan Buuhoodle dusheeda. Hadaan la is hortaagina waa kuwa sida ay u soo socdaan marka danbe Buuhoodlana qabsada. Ragla’aan iyo Hubla’aani ma jirto Buuhoodle ee waxaa far loo dhaqaajin waayay waa madax la’aan iyo Hogaan la’aan. Ayaan daro, Isimadiina waxay yihiin waa la arkaa oo tilmaan uma baahna, Hogaankii Nairobi lagu samayay isna magac mooyee mid jira maaha oo waa waxa keenay in la waayo midayntii iyo xoreyntii laga filayay.
Somaliland ilaa iyo doorashadii Siilaanyo waxaa isu raacay laba hal oo ay ku diirsato. Dhinaca calaamka, waxaa intaa isa soo taraaya baaqyo lagu ayidayo in la ictiraafo. Meesha qudha ah ee caqabada ku ahayd waxay ahayd shacabka SSC oo inkasta oo meelo ka mida ah gobaladooda ay Somaliland qabsatay, hadana la marsiin waayay kala go’a Somalia iyo in Somalidiidka ay ku biiraan. Halka looga soo dhacay SSC, kasokow Hogaan ka dhicisoobay, waa Isimo ka tegay dowrkii ay bulshada ku lahaayeen oo siyaasad ayna aqoon iyo khibrad u lahayn fara la galay, maamulo kalana ku xidhay oo la shir tegaaya amuuro lidi ku ah midaynta iyo xoraynta SSC looga baahnaa.
Sida hada socota, Somaliland, oo isticmaalaysa Isimada SSC inta u hogaansanta, waxay Widhwidh ku qabanaysaa shir u jeedadiisu ay tahay in SSC la kala qaybiyo oo xukumka Somaliland ugu fido inta ka hadhay SSC ee aan gacantooda ku jirin.
NSUM waxay u digaysaa Isimada SSC ee la sheegay in ay shirkaa Widhwidh iyo wixii la mid ah ka qaybgalayaan. Waana in Isimadaasi ogaadaan in arimahaa aan laga fiirsan keenayaan cawaaqib xumo.
Waxaa NSUM ku boorinaysa Isimada SSC, khaas ahaan kuwa gobalka Cayn, in ayna shirkaa Widhwidh aadin, oo SSC u gaysan dhabar jebin taageeraysa cadowgooda. NSUM waxay Isimada ku guubaabinaysaa in ay ka muuqdaan halganka bulshada SSC iyo sidii SSC tamarteeda isugu gayn lahayd in dalka la daafoco, inta laga haystana la xoreeyo, si wadajir ahna looga hortago siyaasada Somaalidiidka.
NSUM,
Gudida Fulinta
WWW.BUHODLEPOST.COM