Batista Oo Loo Magacaabay Tababaraha Argentina
BUENOS AIRES: – Macalinki xulka Juunyarka Argentine u qaaday Bilada Dahabiga ee ciyaarihii Olympic ee 2008 Sergio Batista ayaa si rasmi ah loogu caleema saaray xilka tababaraha xulka qaranka Argentine.
Kulan ay gudiga fulinta ku yeesheen caasimada dalkaasi shalay ayaa lagu sheegay in Batista uu hada yahay ninka badalay Diego Maradona waxaana hada laga sugayaa in xulka uu u horseedo ciyaaraha aduunka ee 2014 ee lagu wado in lagu qabto Brazil.
Batista ayaa ahaa macalinka KMG ah tan iyo inti uu Maradona diiday in heshiiska loo cusbooneysiiyo waxyar kadib marki xulkiisa si xun ugu jabay kulan ay Jarmalka 4-0 direen ciyaarihi aduunka.
Macalinkan waa 47 jir ka tirsanaa xulkii Argentine ee sanadi 1986-ki u qaaday koobka aduunka xiligaasi oo uu xulka watay Maradoona.
Batista waxa uu kaga guuleystay xilkaan macalinka kooxda Estudiantes ninka la yirahdo Alejandro Sabella.