|

Dawladda Maraykanka Oo Maxkamadaynaysa Saddex qof oo Lagu Eedeyey In ay Xirrir La Leeyihin Al-Shabaab

Saddex qof oo kasoo jeeda gobolka California ee dalka Maraykanka ayaa lagu soo eedeyey in ay taakulayn u fidin jireen Xarakada Al-Shabaab ee ka jira dalka Soomaaliya.

Waaxda cadaalada ee dalka Maraykanka ayaa saddexdaas qof ku eedeysay in ay dhaqaale u diri jireen Ururka Al-Shabaab isla markaana uga diri jireen magaalada San Diego oo ay kasoo jeedaan.

Saddexda qof ee dacwada lagu soo oogay ayaa lagu kala magacaaba;

1.Siciid Macalin

2.Maxamed Maxamuud

3.Cissa Doreh

Xeer ilaaliyaha Koonfurta gobolka California Laura Duffy ayaa sheegay in saddexaan qof lagu soo eedeyey in ay taageero dhaqaale u gudbin jireen Ururka Dawladda Maraykanka u aqoonsanyahay inuu yahay Argagaxiiso.

Sidoo kale dacwada ayaa lagu sheegay inay la shaqeynayeen hogaamiyihi hore ee Al-Shabaab Aadan Xaashi Ceyro oo Bishii May sanadkii 2008-dii lagu dilay magaalada Dhuusamareeb ee bartamaha Soomaaliya kadib markii gantaal uu soo riday Maraykanka ku dhacay guri uu ku sugnaa.

Dacwada ragaan lagu soo eedeyey in ay maalgelin jireen Al-Shabaab ayaa ah mid sii socon doonta,waxaana aysan ahayn markii ugu horeysay dalka Maraykanka lagu maxkamadeeyo dad xirrir la leh Al-Shabaab.

Fikrad Ka Dhiibo