SARKAAL KA TIRSANAA MAMULKA PUNTLAND OO U DIGA ROGTAY XAGAA IYO KOOXDA NIAROBI EX SSC
Wararka laga helayo Magaalada Buuhoodle ee xarunta gobolka Ceyn ayaa kusoo waramaya inuu
saacadihii lasoo dhaafay Deegaano katirsan Degmada Buuhoodle ee casimada gobolka cayn uu gaaray
Taliye xigeenkii hore ee Ciidamada Booliska Puntland oo dhawaan uu Madaxweynaha mamulka
Puntland xilkaas ka xayuubiyey.
Sayid Jaamac Cabdulle ayaa dhawaan xilkaas waayey kadib markii uu madaxweynaha mamaulka
Puntland isku shaandhiyey Saraakiisha booliska & Asluubta islamarkaasna uu Madaxweynuhu
mideeyey labadaas Ciidan isagoo waqtigaas wixii ka danbeeyey uu Sayid qorsheynayey sidii uu ugu
biiri lahaa kooxda nairobi ex ssc oo kajirta Tuulooyin katirsan gobolka Cayn,waxaana uu
Sarkaalkan hore kasoo jeeda gobolada SSC
Taliye xigeenkan ku biirey kooxda ayaa mudo kooban hayey xilka taliye xigeenka Booliska ee
mamulka Puntland waxaana uu horey mudo dheer uga mid ahaan jiray Saraakiisha Booliska
Puntland isagoo sidoo kalena kamid ahaa Saraakiil katirsan Booliska Puntland oo tababar dhanka
ciidanka ah kusoo qaadatay dalka Ugandha.
Sayid Jaamac Cabdulle ayaa qaarkamid ah Warbaahinta u sheegey in uu goostay kadib markii uu
arkay dhibaatooyin ay sameeyaan Ciidamada Puntland gaar ahaan kuwa Xabsiyada,waxaase uu ka
gaabsaday sababta uu wax uga qaban waayey dhibaatooyinkaas maadaama uu kamid ahaa
Kuxigeenada Taliyaha guud ee Booliska Puntland.
maha markii ugu horyasay ee shaqsiyaad kusoo hongoobay labada mamaul ee dhinacyada kaxiga ssc
ay u soo holeelaan dhanka kooxdan oo hada ku haysan tageero badan gudaha shacabka ssc
dadweynaha sc aya waxay u arkaan mamulada inay ku yahiin cadow jiritanka iyo aya ka tashiga
shacabka ssc oo tariikh dheer kulaah umadaa somaliyeed sikastaba ahaatee dadka rer ssc masoo
dhawayn doona saraakiisha kasoo goosta maamuladaasi oo lagu bartay inay dib ugu labtan meelihii
ay ka yimaadan kadib marka ay xooga lacag ah gacanta kaga dhigan jaaliyadaha dibada