|

Shir dhexmaray Maamulka Somaliland iyo Beesha Guuleed Garaad oo ka dhacay degmada Widhwidh oo ku dhamaaday isafgarad.

Waxaa 1dii bisha November shir uga furmay maamulka la baxay Somaliland iyo beesha Guuleed Garaad degmada Widhwidh, shirkaasi oo lagaga wada xaajoonayey qabsashadii Deegaanka widhwidh ee maamulka Somaliland ku soo duulay deegaanka Widhwidh.

Shirkan waxaa ka soo qayb galay dhanka beesha Guuleed garaad dhamaan waxgaradka, aqoonyahanka, dhallinyarada, cuqaasha, iyo garaadka Beesha Guuleed garaad dhanka Maamulka la baxay Somaliland waxaa ka soo qayb galay gudoomiye ku xigeenka koowaad ee barlamaanka Somaliland Baashe Maxamed Cadde, Wasiirka gaashaandhiga Somaliland Axmed x. Cali Cadami, Wasiirka Arimaha gudaha Somaliland Dr Gaboose iyo wasiiro kale.

Shirkan waxaa ka dambeeyey ka dib markii Madaxwaynaha maamulka la baxay Somaliland uu ku baaqay arimaha Jabhadda SSC iyo Maamulkiisa ee ka taagan deegaamada Widhwidh iyo Baliharac inuu ku qaabilayo hab nabad gelyo ayna beesha Guuleed iyo garaadkooda Garaad Abshir Saalax Maxamed ay ku baaqeen inay dhigayaan gogasha wada xaajoodka ee lagaga wada hadlayo arimaha kor ku xusan.

Shirkan oo socday muddo laba maalmood ah waxaa ka mid ahayd ajandaha lagaga wada hadlay kuwan hoos ku qoran;-

  1. In Ciidamada fadhiya deegaanka Widhwidh laga qaado oo lagu celiyo fadhiisimadoodii
  2. In magdhow laga bixiyo dadkii ku dhintay iyo kuwii ku dhaawacmay dagaaladii ka dhacay degaamada Widhwidh iyo Baliharac ee ciidamada Somaliland ay xasuuqeen .
  3. In la sii daayo dhamaan maxaabiista Dhulbahante eeu xiran maamulka la baxay Somaliland.

Gabagabadii shirkan oo ku dhamaaday is afgarad ayaa waxaa ka soo baxay go’aamo shan qodob ah kuwaasoo laysku afgartay ayna saxeexeen wakiilada labada dhinac oo kala ah madaxa waftiga ka yimi hargaysa ee maamulka la baxay Somaliland waxaa u saxeexay Baashe Maxamed Cade, dhinaca Beesha Guuleed garaad Waxaa u saxeexay Garaad Abshir Saalax Maxamed waan kuwan hoos ku qoran go’aamada ka soo baxay shirkan:-

  1. Axdi  Nabadeed oo ka hanaqaada Degaanka Beesha Guuleed Garaad, kuna baaha beel weynta Dhulbahante.
  2. Daa dejinta iyo tayeynta maamulka deegaankaas.
  3. In cafis loo fidiyo Dhmaan maxaabiista Beesha dhulbahante wixii aan loo haysan denbiyadan Argagixiso, Budhcad Badeed,Aano  gaar ah ,Dhac iyo kufsi, tiradaas oo labada dhinac meel isla dhigeen.
  4. In ay xukumadu mag dhow ka bixiso khasaaraha dhimasho iyo dhaawac ee soo gaadhay shacbiga aan hubaysnaayn, taas aay xukumadii hore balan qaaday.
  5. In aay Beesha Guuleed Garaad  Gacan buuxda ka geysato sugida amaanka Deegaan kooda.

Mohamed Abdilahi

Widhwidh

Fikrad Ka Dhiibo