|

Soomaali Gaaloowday (Xerooyinka Qaxootiga Soomaalida Kenya Oo Gaaleysiin Xoog Leh Ku Socoto)

(Muuqaalka Buug Af-Soomaali lagu qoray oo ka sheekeynaya Diinta Masiixiga,Buugan ayaa lagu magacaabaa Kitaabka-Quduuska-ah)yacni (Kitaabka-Barakeysan)

Warka ku saabsan in hey’ad Masiixi ah ay xafiisyo ka furatay xerooyinka qaxootiga Kenya sida Dhadhaab, Ifo Xagardheer iyo kuwo kale ayaa ahaa mid isa soo tarayey bilooyinki la soo dhaafay.

Hase yeeshee waxaa marki ugu horeysay arrintan halista ah daaha ka qaaday Shabakada Al-Jazeera oo ku soo qortay bogeeda internetka ee Aljazeera.net taasoo xaqiijisay in si aad ah ay uga howlgasho hey’adaasi.

Hey’adan oo lagu magacaabo “Soomaalida Rumeysan Karistaanka” ayaa waxaa la sheegay in dad badan oo ay kaga faa’ideysatay daruufaha dhaqaale iyo fahamkooda diinta Islaamka ay ku qancisay in ay qaataan Diinta Karistaanka kana baxaan Diinta Islaamka.

Wararka ayaa sheegaya in hada ay ku guuleysatay in ay Diinta Islaamka ka saarto dhowr qoys oo u badnaa Haween iyo Caruur walow ay jiraan dhalinyaro wiilal ah.

Waxyaabaha ay uga faa’ideysatay hey’adan dacwada Masiixiga wado ayaa waxaa ka mid ah iyada oo ku hami gelineyso dadka inay u fududeyneyso dhoofinta dalalka horumaray sida Yurub, America iyo Australia.

Sida ay qortay Al Jazeera.net, waxaa hey’adani madax ka ah nin Soomaali ah balse wata dhalashada dalka Mareykanka kaasoo lagu magacaabo Cali Xayle.

Arrintan ayaa ah halis weyn oo ku soo wajahn shacbiga Soomaaliyeed ee Islaamka ah, waxaana ay keeni kartaa qatar saameysa mustaqbalka dambe ee shacbiga Soomaaliyeed.

Aqri Linkisga Al-Jazeera:-http://www.aljazeera.net/NR/exeres/5FBAF5EC-8960-4153-B96F-745DFB615580.htm

Fikrad Ka Dhiibo