|

Maxaad Ka Taqaanaa 10-Ka Laacib Ee Ugu Da’da Yar Balse Ugu Qaalisan Kubada Cagta Maanta

Majalladda caanka ah ee ka faalloota umuuraha ku xiriirsan dhaqaalaha kubada cagta ee futbolfinance.com ayaa qortay in xidig yaraha kooxda ACMilan ee Alexandre Pato uu yahay kan ugu mudan marka laga eego dhanka qiimaha lagu gorgorin karo hadiiba ay kooxi usoo geed fariisato adeegiisa ciyaaareed waxaana lagu qiyaasay inuu ku kici doono aduun lacageed oo dhan 25 ilaa 40 milyuun oo Euro sida ay qabto majalladan oo kasoo baxda dalka Portugal.

Majaladda ayaa qiyaastan u cuskatay daraasado xiriir ahaa oo lagu sameeyey da’ yartan oo qiimeeyntooda lagu saleeyey da’dooda, tirakoobka cayaareed, celceliska bandhigooda cayaareed, booska iyo heerka ay kaga jireen suuqyada kala iibsiga ee hore IWM.  Pato oo 2-dii September sanadii 1989-kii ku dhashay magaalada Pato Baranco oo ka tirsan gobolka Paranį, ee dalka Brazil ayaa kooxda ACMilan kusoo biiray xilli-ciyaareedkii 2007-08 isagoo kasoo hayaamay kooxda Internacional Porto Alegre ee dalkiisa, isagoo ilaa iyo iminka kooxda Milan magiciisa ugu qoray goolal marka la isku biiriyo 40 caga cageeynaya.

Taxa tobanka laacib ee ugu da’da yar balse ugu qaalisan caalamka ayaa waxay majallada futbolfinance u kala hormarisay qaabkan:

1. Alexandre Pato: da’da 21 AC Milan
2. Mario Balotelli: da’da 20, Manchester City
3. Tomas Mueller: da’da 21, Bayern Munich
4. Stevan Jovetic: da’da 20, Fiorentina
5. Eden Hazard: da’da 19, Lille
6. Bojan Krkic: da’da 20, Barcelona
7. Marko Marin: da’da 21, Werder Bremen
8. Neymar: da’da 18 Santos
9. Gareth Bale: da’da 21, Tottenham
10. Javier Pastore: da’da 21, Palermo

Warar Isboorti oo Goos Goos ah

Dib u heshiisiin

Macalinka kooxda Real Madrid ayaa markii ugu horeeysey howshiisa macalinimo ku daray odaynimo kadib markii uu ku guuleystey inuu dhameeyo khilaafkii u dhexeeyey arbaha wayn ee reer France Zinedine Zidane iyo Marco Materazi oo daafaca uga cayaara kooxda Inter oo sida la wada ogyahay iskula dhacay koobkii aduunka ee 2006-dii uu Talyaanigu hantay oo isla kulankii dhamaadka ay hareeysey herti-dibiyeedkii uu Zidane ku hubsaday xabadka Materazi.
Labada nin ayaa isku arkay hoteelkii ay kooxda Real ka deganeyd magaalada Milano oo ay u yimaadeen kulankii Koobka Horyaalada Yurub ee ay Milan 2-2 la noqdeen, halkaasoo qaar ka tirsan laacibiinta Inter ay salaan ugu tageen macalinkoodii hore ee Mourinhoo. Markii hore way isa salaameen deeto woxoogaa ayay wada hadleen sida uu qoray wargayska Marca ee dalka Spaina xabadka ayay isku jiideen ugu dambeeyn oo way heshiiyeen.

Waan jeclaan lahaa inaan Tababaro Gerard

Tababaraha kooxda Chelsea ee dalka Ingiriiska oo ku caan baxay iibsiga laacibiinta waagoodii wanaagsanaa dib u eegay ayaa daboolka ka qaaday sida uu ugu riyaaqsan yahay dagaal yahanka kooxda Liverpool ee Steven Gerard oo sedexleey lama filaan ahayd ka ansixiyay kooxda Napoli oo dabinka ugu dhacday Khamiistii kulan ku tirsaa UEFA Europe League lamase oga halka uu u rabo ma kooxdiisa Chelsea baa mise waa xulka Ingiriiska? kaasoo la hadal hayo inuu ka dhaxli doono macalinka isna Talyaaniga ah ee iminka leeyliya Fabio Capello, waxaase la xusuustaa inuu Gerard ahaa ninkii ka jejebiyay Anceloti dhamaadkii UCL ee Istanbuul 2005-tii oo ay Milan naawileysey koobkeedii 7-aad maadaama ay gelinkii hore ee cayaarta ay 3-0 ku hor kaceysey kooxda Reds.

Isla Kooxda Liverpool Tom Werner oo wax ka leh milkiyadda kooxda Lverpool ayaa ka dhawaajiyay sida uu ula dhacsan yahay aragtida ah in kulanka 39-aad ee horyaalka Ingiriiska EPL dibada lagu cayaaro taasoo ahayd arin horay mar la isula soo hadal qaaday balse saqiirtay kadib markii ay mucaaradadi kaga timi kooxaha iyo taageerayaasha Ingiriiska iyo xiriirka caalamiga ah ee kubada cagta FIFA.

Gacan ka hadal

Zlatan Ibrahimovic iyo Oguchi Onyewu oo u wada cayaara kooxda ACMilan ayaa lakala jiidey kadib markii ay furka isku xooreen xerada tababarka Milanello, Warsidaha La Gazzetta dello Sport ayaa shaaciyay in Ibra uu taako jiif ah ku qabtay Onyewu oo u dhashay dalka Maraykanka oo uu dhegihiisa weli kasii yeerayo dhaawac halis ah oo uu iminka uun kasoo bogsoodey, deeto Onyewu oo u dhashay dalka Maraykanka ayaa wuxuu u holladey inuu jawaab ka bixiyo falka guracan ee Ibra balse waxaa kala qabtay jaalayaashooda kale taasoo keentay in tababarkii socdey uu joojiyo Massimiliano Allegri oo kooxda layliya.

Tan ayaanse noqon doonin wixii ugu horeeyey ee xun ee uu Ibra ku lug yeesho iyadoo uu ka horeeyey laad nooca Teakwandoo-ga ah oo uu ku dhuftay laacibka da’da yar ee Rodney Staraser ee reer Sieraleone oo u cayaara Milan kaasoo laga daawaday shaashadaha caalamka waloow si hoose loo dhaqay xaajadaas.
Lama oga waxa ay Milan ka yeeli doonto dhacdadan oo ugub ku ah kooxda oo inta badan u nool sidii qoys balse Adriano Galiani oo laftiisu qirtay sida aanu dagaalkani u sahlanayn ayaa dhanka kale tibaaxay in xaaladda la xakameeyey.

”Gareth Bale waa Ferrari”
Tababaraha kooxda Inter Milan Rafa Benitez ayaa daafaca dadabka bidix ee kooxda Totenham la meel dhigay baabuurka aadka u dheereeya ee Ferrari ee uu Talyaanigu farsameeyo isagoo daafaca Inter Milan la meel dhigay gaariga Volvo ee lagu farsameeyo dalkan Sweden, ”Way iska cadahay hadii aan Volvo kula tartamo Ferrari in siigada laygu aasayo” ayuu yiri Benitez oo dhanka kale sheegay in aanu Volvo gaari xun ahayn laakiin aanu u dhigmin Ferrari waloow sharikadda Volvo ay ka mid tahay sharikadaha macaamiisha ah ee maalgeliya ama Sponsor-ka u ah kooxda Inter.

post spot.com

Fikrad Ka Dhiibo