|

Park Oo Badbaadiyay Man United

Park Ji-Sung ayaa xilli ay dhamaatay ciyaartu oo lagu daray daqiiqadaha dhimashada u dhaliyay goolkii badiska ahaa Manchester United isla markaana u suuragaliyay macalin Sir Alex Ferguson inuu si farxad leh ugu dabaaldago sanadguuradii ’24aad ee uu kooxda macalin u yahay markii uu si la yaab leh 2-1 kaga badiyay Wolves.

Ferguson ayaa waxaa qalqiil lagu galiyay garoonka Old Trafford, iyadoo ay u buuxsantahay 24 sano oo kooxda uu macalin u yahay.

Park ayaa United hogaanka u dhiibay daqiiqadii 45aad ee ciyaarta laakiin waxaa soo bareejeyay Sylvan Ebanks-Blake ciyaartu markii ay mareysay 66aad.

Alex Ferguson ayaa ciyaarta markii ugu horeysay ku bilaabay Hargreaves oo mudo 2 sano ah aan garoomada cag soo dhigin.

Guusha United waxey siineysaa 23 dhibcood 11 kulan oo ay ciyaartay. Waxaana la sugayaa Chelsea oo 25 dhibcood leh oo  kulan la ciyaari doonta Liverpool beri galab.

post sports

Fikrad Ka Dhiibo